Taxane: Qisada Ahmed iyo Nasiib Qaybtii 10-aad

Thursday December 03, 2009 - 09:21:24
0 Comments
2736
Super Admin
Waa qaybtii Tobnaad oo aan idinka kaga soo gudbinayno Buuga Ahmed iyo Nasiib oo aad nooga barateen Maalin kasta oo Talaado ah. Hadaba Hawaase wacan.

Axmed waxuu noqday jamal ay badda ka guudhay oo kaligii meel taagan oo waxuu uqaadan waayay siday u baxday gacalisadiisa waayo uma aysan sheegin, Axmed waxuu rabay in ay ugu sheegto sidii qof wayn ama laba isjacel oo kale, balse madhicin.

 

Axmed waa uu cidloobay waa uuna tabay gacalisadiisa waayo magaalada ayuu kaligiis ku noqday, waxuuna ku soo laabtay balwadii oo uu horay isaga daayay, Axmed waxuu bilaabay in uu ku qayilo guriga Bahjo marwalbana waa uu wacijiray gacalisadiisa asagoo waydiin jiray xaaladeeda kana codsan jiray in ay usoo dheerayso, balse ayada maysan soo wici jirin Axmed waxuu dareemay in uu jiro is badel wayn,  mana mawaydiin Nasiib is badalka waxa uu yahay waayo Axmed waxuu doonayay in uu waydiiyo markay timaado waxaana lagaaray habeenkii uu dhamaaday sanadka 2005ta  oo uu dhalanayay sanadka cusub ee 2006 markay saacadu aheeh ‘6’  habeenimo oo gow ah ayuu wacay  gacalisadiisa  waxuuna way diiyay xaaladeeda say tahay,  waxayna ugu jawaab tay waan fiicanahay gacaliye Axmed baayiri sanad wacan gacaliso Nasiib baa uu gu jawaabtay si doo kale waxuuna waydiiyay goorta ay imaanayso, waxayna u sheegtay inay beri soo baxeyso.

 

Axmed waa uu farxay waayo waxaa isugu aaday laba farxadeed oo kala ah sanadka cusub iyo gacalisadiisa oo I maanaysa, waxuuna waydiiyay gacalisadiisa xiligay imaanayso si uu usoo dhaweeyo oo uu usoo doono, waxayna u sheegtay in ay soo galayso 10 ka  galabnimo waxuuna u sheegay in ay soo wacdo xiliga ay soo baxdo.

 

Axmed habeenkii oo dhan waxuu la xusayay sanadka cusub saaxiibadii, waxuuna soo seexday xili danbe asago seexday hurdo aad u macaan, oo uusan seexan intii ay ka maqnayd gacalisadiisa Nasiib.

 

Axmed waxuu toosay sideeda saac ee duhurnimo waxuuna wacay gacalisadiisa waxayna u sheegtay in ay soo dhowdahay  Axmed waa uu baxay waana orday waxuuna soo aaday guriga Bahjo si ay isku raacaan balse Nasiib xumo Axmed markuu gudaha soo galay waxuu indhaha ku dhuftay gacalisadiisa oo la fadhida Bahjo, Axmed waa uu naxay waana is taagay wuuna u qaadan waayay,  Bahjo ayaa aragtay oo tiri “Nasiib waa kanaa gacaliyahaagii”, Kadibna Axmed iyo Nasiib way is ku soo boodeen  oo hab ayay isa siiyeen  waxayna is ku salaameen salaan xiisaleh, kaftan iyo is wareysi kadib Axmed waa baxay oo waxuu soo qaatay jaad kuna soo laabtay guriga Bahjo asagoo doonaya  in uu la dhamaysto waqtiga gacalisadiisa iyo Bahjo.

intaa kadib Nasiib iyo Bahjo way kasoo tageen Axmed oo waxay ku yiraahdee waxbaan soo gadanaynaa Axmed ayaa yiri laakiin soo dheereeya waan cidloonayaaye waxayna ugu jawaabeen wayahay.

 

Markuu cabaar fadhiyay ayaa  waxaa u yimid Maamo Cadar oo cabaar u sheekeeneysay axmed.

saacado badan kadib ayaa waxaa guriga ku soo laabatay Bahjo  kaligeed, Axmed ayaa waydiiyay Nasiib halkay uga soo hartay waxayna ugu jawaabtay gurigeeda oo waan daalanahay bay tiri ee Axmed usheeg biri  beri galab ha ii yimaado xaafada.

 

 

Halkaan ka akhriso:

Q.1aadQ.2aad . Q.3aad. Q.4aad. Q.5aad. Q-6aad.Q-7aad. Q-8aad. Q-9aad 


Related Items


Leave a comment