Warbixin Safarkii C/hakin Ilkadhagax ee Wadanka Finland

Wednesday January 13, 2010 - 09:58:01
0 Comments
4037
Super Admin
Safar aan dhawaan ku kusoo maray qaybo kamid ah Yurub gaar ahaan Finland Magaalo madaxdiisa Helsinki ayaan waxaa jeclaystay in aan lawadaago akhristayaasha MareegahaSoomaaliyeed, qormo aan uga hadlayo waxyaabihii aan lasoo kulmay mudadaas aan musaafirka ahaa.

Markaan ku hormaro dhinaca Soomalida iyo isku xiraanshaheeda, xaqiiqdii waxaan dhihi karaa waa Soomaali fayaw kana badbaaday dhibta qurbaha. Waxyaabihi iga yaabiyay waxaa ka mid ahaa mar aan soo galay maqaaxi shaaha lagacabo, waxaa loo fadhiyaa sidii goobaha shaaha laga cabo ee Somalia, Fadhi ku dirirkii iyokaftankii Somalia markaan ku sugnaa, waxaa laga hir-galiyey goobo sidii soomaaliya ayaga oo jooga, waan shakiyey in aan soomaliya joogo iyo in kale.


Somalida Kunool Waddan kaas gaar'ahaan Casumadda Helsinki waa Umad isku xiran oo isjecel run ahaantiina wada wadaaga dhibkasta oo markaas lasoo darso. Waxaan la yabay oo kale waxay dageen hal meeloo ay ku haystaan Masaajidii, Goobihii ganacsiga iyo meelihii adeegyada bulshada laga hir galiyo sida goobaha u dhaq dhaqaada arimaha Somalida, Waxaa itaas dheer waxay si wada jir u ilaaliyaan Danahooda gaarka ah sida Diintooda iyo Dhaqankooda iwm


Mudadii aan joogay Helsinki, waxaa ka dhacey Shirrar ay qaban-qaabiyeen Jaaliyadda Somalida Magaaladaas oo aykaga wada hadlayeen sida ugu fudud oo wadankeena Hooyo loogu soo dabaali karo NABAD waarta kadib-na loogu noqon karo. Xaqiiqatan Kulankaas waxaa uu igu noqday la-yaab maadaama ummadii halkaan iskugu timid ay aad ugu heelanaayeen xal-ka-gaarinta arimaha curyaamiyey Wadankeena hooyo oo maanta 20 sano jirsaday. Shirarkaas waxaa hurmood ka ahaa Aqoonyahano Somaliyeed ,Odayaal , Dumar, Dhalinyaro iyo Dhamaanqaybaha bulshada ay ka koobantahay.


Safarkayga waxaan sidoo kale la kulmey dhallinyarrada, waxaan kala kulmey xaqiiqadii dhiiri-galin heersare leh,oo ah sidii loogu horrmarrin lahaa dhalinta Soomaaliyeed iyo sidii ay uga qayb-qaadan lahayeen Nabadku soo dabaalidda dalkeena Hooyo,waxaa kale la yaab igu noqotay dhalinta qurbaha sida ay diyaar ugu yihiin in ay dalkooda ka qeyb-qaataan kaalintooda kagga aadan Hor-marka Dalkeena Hooyo,dhanka kale waxaan wada og-soonnahay in dhallinyarrada ku nool Soomaaliya ay u fakaraan sidii ay mar un uga dhaafi Soomaaliya,waxaan maqli jiray marti Soomaaliyeed oo oranaysay (Nin aan dhul-marin dhaayo ma leh, ugu danbaytii dhallainyaradda kulankoodu aad ayuu ii xiisa galiyey,

Waxay hambalyo iyo mahadcelin usoo jeediyeen firfircoonida shabakada wararka Somaliyeed ee warbaahinta Burtinletimesiyo howlwadeenadeeda meel kaste oo ay joogaan sida hagar la'aanta ah ee ay u ay iskugi xilqaameen ka horumarinta arimaha bulshada iyo isku xirka Danaha dalka, Waxaana kula dar-daarmayaa in aysan ka daalin in ay u adeegaan Shacabka soomaaliyeed.waxaana barbaahinada kale kula dar-daaramayaa in ay ku daydaan intooda sama ka shaqaysa.Alle wax uga baryayaa in dalkeena uu nabad inoo noqdo,si aan ummadeena ugu adeegno.


Abdikahin Abdi Ismacil ( Ilkodhagax) ~Holland

Related Items


Leave a comment