Taxane: Qisada Ahmed iyo Nasiib Qaybtii 13-aad

Friday January 15, 2010 - 10:03:54
0 Comments
3062
Super Admin
Waa qaybtii 13 aad oo aan idinka kaga soo gudbinayno Buuga Ahmed iyo Nasiib oo aad nooga barateen Maalin kasta oo Talaado ah. Hadaba Hawaase wacan.

Axmed eedadiis ayaa fiirisay wiilka la isku tilmaamayo, waxayna ku baraarugtay inuu yahay wiilkeedii Axmed, ayadoo naxsan ayay u yeertay waxayna tiri

“Axmed maxaa kugu dhacay eeddo?, waa maxay sidaad u taallid iyo diifta kaa muuqata, dadku waxay kuu qabaan inaad waalantahay, Axmed oo eedadiis kala baqay inuu u sheego runta ayaa wuxuu ku yiri “Eedo, waan fiicanahay, wax dhib ahna ma jiraan” , kadibna waxya ku tiri “Orod aad xaafadii, hadda Ayaan kaa daba imaanaya”.

 

Kadibna waxay ugu timid xaafadda, waxayna horay u soo kaxeysatay wadaado si ay Axmed u quraan saran. Axmed asagoo ku haya miyaan waalanahay maxaa quraan la ii saarayaa ayaa quraankii horay looga bilaabay asagoo hadalkii wada weli. Markii lagu dhameeyay quraankii ayuu waxuu usoo baxay banaanka  tiriyayna tixdaan gabayga ah:

 

  • Siinka gabayga anigoo yar baa, laygu saacidaye.
  • Saddex iyo anigoo laba jira, saabka ii galaye.
  • Sambabkeyga iyo feeruhuu, sadar u yallaaye.
  • Sayid Maxamed iyo raage yaan, iiga sareenayne.
  • Saamigii qamaam baan ihiyo, suxufiyaashiiye.
  • Salaan iyo sidii qaasim baan, sahal u sheegaaye.
  • Suldaan tima cadiyo waxaan matalin, saygii caliye dhuuxe.
  • Sarbeebta iyo arartaba abwaan loo sahlaan ahaye.
  • Bal saadaasha manta aan dayo, subaxba waa ceyne.
  • Nin haween la saayiray rag un, saxalki weeyaane.
  • Siyaadiyo marbuu ku arkayaa, wuxuu suluugaaye.
  • Inayse saar jaceyl galinayaan waa, saxiix qorane.
  • Sirna laguma aamini kariyo, sawdaad leedahaye.
  • Waa sabi dhalaan oo kaloo, samir ma yeeshaane.
  • Mar hadey sidaas kuu dhugtaan, waa allow sahale.
  • Anigana suntey igu dureen, saaqday badankiiye.
  • Markaan seexa maagaba, hurdada waan ka salalaaye.
  • Sahwi baan I galayoo qalbigu, saaxil noqon waaye.
  • Nin sarqaansan lay mood markaan, suuqa maraaye.
  • Dadku yiri sidee tahay baryahan, waad silloontahaye.
  • Suuradaha qurankiyo wardiga, maalmo lay saarye.
  • Subxaan-laah iri dumarku waa, suniyo waabanye.

Kadibna Axmed wuxuu soo aaday guriga Bahjo wuxuuna soo qaatay qaad badan, markii uu fadhiyay muddo badan oo uu ka shaqeeyay maskaxdiisa wuxuu ogaaday muddada uu daba socday Nasiib in ay tahay mudo aad badan oo uusan ogeyn sababta ay uga carareyso inay jaceyl wadaagaan, aysanna u sheegin sabab uu ku qanco.

 

Axmed wuxuu go’aan ku gaaray in uu ka codsado Nasiib inay noqdaan dad walaalo ah maadaama uu jaceylkeeda waayay, wuxuuna u sameynayay arrintaas si uu uga ag dhawaado Nasiib, kadibna wuxuu u wacay Bahjo iyo Yaasmiin wuxuuna u sheegay inuu yahay nin nasiib xun waayayna jaceylkiisii uuna doonayo go’aanna ku gaary in ay asaga iyo Nasiib noqdaan dad walaaalo ah oo aan salaanta la isla dhaafin wadooyinkana aysan uga leexan, runtii way layaabeen, waxayna u qaateen in uu Axmed waashay, waxayna ugu jawaabeen waan la soo hadleynaa oo anaga ayaa ka soo dhameeneyna hadda, kadibna waxay u kaceen halkaas iyo gurigii Nasiib waxayna ugu tageen ayadoo gurigoodii jooga, waxayna u sheegeen go’aankii Axmed kana codsadeen in ay ka yeesho, Nasiibna way ka aqbashay.

 

Intaa kadib waa la isa soo raacay oo waxaa la soo aaday Axmed oo weli jooga gurigii Bahjo, Axmed markuu arkay Nasiib aad ayuu u farxay oo wuu qoslay, salaan kadibna waa la heshiisiiyay Axmed iyo Nasiib oo gacmaha ayaa la isku saaray.

 

Axmed oo u qaadan la’ ayaa yiri “Waxaan u maleynayaa inaa riyoonayo, waayo uma maleyneyn in ay Nasiib ila hadli doonto ama ay ila fariisan doonto, markuu hadalkaa yiri ayaa Bahjo oo Axmed garabka ka dharbaaxeysa lana kaftameysa ayaa tiri “Axmed naga daa hadalkaas, hadda waa maalin faraxad iyo reynreyn”.

 

Kadibna waxay noqotay xilli dambe, Axmed wuxuu soo kaxeeyay Nasiib wuxuuna keenay gurigeedii weyna is macsalaameeyeen, asagana wuxuu aaday gurigoodii asagoo aad u faraxsan  una qaadan la’ heshiiska Nasiib. Axmed habeenkaa wuxuu seexday hurdo aad u macaan oo uusan seexan inta ay kala fogaayeen Nasiib.

 

Dhanka kale, farxadda iyo isbeddelka Axmed ku yimid waxaa laga dareemay familka iyo xaafadda dhexdeeda maadaama horay looga bartay feker iyo gooni socod in muddo ah.

 

Axmed maalin lama ilaawaan ah oo farxadeed ayaa u dhalatay, habeenkiina wuxuu soo aaday guriga Nasiib asagoo aad u faraxsan oo doonaya in uu soo salaamo, markuu soo gaaray  gurigii Nasiib ayaa waxaa soo dhaweeyay Nasiib iyo habaryarteed Sacdiyo.

Kaftan iyo sheeko dheer kadib waxaa albaabka soo garaacay wiil dhalinyaro ah oo Axmed ay dusha iska garanahayeen, waxaana albaabka ka furay sacdiyo, markii uu soo galayna Nasiib ayuu salaamay, Nasiibna waxay u soo dhaweysay sidii uu yahay lamaanaheeda oo kale, waxayna isweydaarsadeen hadallo Axmed qalbigiisa wax u geystay wadnahiisana ugu dhacay sida waran la soo gamay, kadibna Nasiib ayaa soo booday oo ku tiri Axmed “Axmedow, wiilkaan Ayaan meel u raacayaa ee mar kale ha inoo ahaato”.

 

Axmed oo ka xun, hinaansana galay ayaa yiri “Waayahay” , sababtoo ah ma uusan awoodin in uu wax ka qabto sida ay wax u dhacayeen, waayo wuxuu ka baqay in ay Nasiib ka fogaato ama uu waayo xiriirka walaaltinimo ee ugubka ah maadaama uu horay u waayay uguna dhibaatooday jaceylkeeda.

 

Axmed wuu iska soo tagay wuxuuna soo aaday gurigooda asagoo ay wajigiisa ka muuqato murugo iyo niyad jab weyn kuna qanciyay qalbigiisa in uu mar kale la kulmi doono Nasiib, helina doono maalin maalmaha ka mid ah.

 

Laakiinse si walba oo ay noqoto Axmed wuxuu ahaa mid aan marnaba ka caajiseyn sidiii uu dib ugu hanan lahaa jaceylkiisii dhumay. Habeenkii dambe ayuu wuxuu soo aaday gurigii Nasiib wuxuuna ugu yimid Nasiib iyo habaryarteed  Sacdiyo, salaan kadibna wuu soo gudbay wuuna fariistay. Intaa kadibna Nasiib ayaa tiri “Axmedow, istuudiyowga Ayaan cajal u doonanayaa waana soo dheereenayaa ee isug”.

 

Axmed muddo ayuu sugayay Nasiib, wuxuuna xaafadda ku gaaray xilli dambe markuu waayayna wuu isaga tagay oo wuxuu aaday gurigoodii, maalintaas maalintii ku xigtay ayaa Axmed oo magaalada maraya ayaa waxay iska hor yimaadeen Nasiib wuxuuna ku yiri: “Waan ku salaamay”, “Waan kaa qaaday” Ayay Nasiib ugu jawaabtay, Axmed ayaa mar kale ku yiri “Xaaladaada ka waran, xalayna waad soo daahday oo waan ku sugi waayay”, Nasiib ayaa tiri “Iga raali noqo, istuudiyaha ayan ku daahay”, Axmed ayaa yiri “Dhib malahan, caawa Ayaan kuu imaanayaa”, Nasiib ayaa tiri “Waayahay, waan ku sugayaa”, kadibna waa la kala tagay.

 

Axmed ayaa asagoo ballantii oo finaya wuxuu soo aaday habeenkii gurigii Nasiib, wuxuuna ugu yimid Sacdiyo oo aheyd Nasiib habaryarteed waxayna u sheegtay inay Nasiib iyo Bahjo is raaceen aadeenna guriga Bahjo oo ay yiraahdeen ha naga daba yimaado.

 

Axmed wuxuu soo aaday gurigii Bahjo, wuxuuna ugu yimid guriga Maama Cadar oo ah Bahjo hooyadeed, waxayna u sheegtay inay aadeen magaalada oo ay yiraahdeen hana sugo, Axmedna wuu iska fariistay qaadkiisana iska furtay oo uu ku sugaya Bahjo iyo Nasiib. Axmed wuxuu fadhiyay oo uu iska markhaamayay Muddo badan, kadib markuu waayay ayuu Maama Cadar ku yiri waan sii tagayaaye u sheeg  Markey timaado Nasiib waxaan ku sugayaa Harqaanka Cabdi Xassan...... Lasoco qaybta 14naad

 

Halkaan ka akhriso:

Q.1aadQ.2aad . Q.3aad. Q.4aad. Q.5aad. Q-6aad.Q-7aad.Q-8aad.Q-9aad. Q-10aad. 11aad. 12aad

Related Items


Leave a comment