Taxane: Qisada Ahmed iyo Nasiib Qaybtii 14-aad

Wednesday January 20, 2010 - 22:15:31
0 Comments
3223
Super Admin
Waa qaybtii 14 aad oo aan idinka kaga soo gudbinayno Buuga Ahmed iyo Nasiib oo aad nooga barateen Maalin kasta oo Talaado ah. Hadaba Hawaase wacan.

Axmed wuxuu fadhiyay oo uu iska markhaamayay Muddo badan, kadib markuu waayay ayuu Maama Cadar ku yiri waan sii tagayaaye u sheeg  Markey timaado Nasiib waxaan ku sugayaa Harqaanka Cabdi Xassan.

Axmed wuu iska soo tagay wuxuuna u yimid saaxiibkiis Cabdi Xassan wuxuuna weydiiyay Nasiib, Cabdi Xassanna wuxuu ugu jawaabay mar hore ayaa iigu dambeeysay ee ka soo fiiri guriga, Axmedna wuu baxay si uu Nasiib gurigooda uga soo fiiriyo wuxuuna ugu tagay habaryar Sacdiyo waxayna u sheegtay in aysan weli imaan Nasiib, wuxuuna ku yiri hadey isoo dhaafto u sheeg harqanka Cabdi Xassan ee idin ka soo horjeeda ayan ku sugayaaye ha iigu timaado.

 

Axmed markii uu guriga ka yimid wuxuu iska baraxday oo uu fariistay Harqaankii saaxiibkiis. Axmed sharqantii yeedhaba wuxuu madaxa kala soo baxayay  albaabka harqaanka asagoo moodayay Nasiib,  wuxuuna ka walwalayay meesha ay ku maqantahay jaceylkiisa Nasiib iyo xaaladda ay ku sugantahay mar walbana wuxuu saaxiibkii Cabdi Xassan ku lahaa

 

“Nasiib waligeed gurigeeda xilligaan oo kale kama maqnaan ee ma askar ayaa qabatay mise talow tuugo ayaa dishay!!, halkee ayay ku maqanahay saacadaan, waxaan ka baqayaa inaysan fiyoobeen”,  Cabdi Xassan ayaa ugu jawaabayay niyaddana ugu dhisayay “Saaxiib waxba haka welwelin, wey imaan doontaay ee waxaa laga yaabaa ina jirto meel kale ”,  markii cabaar la joogay waqtigiina uu dabayaaqa sii yahay ayuu Cabdi Xassan ku yiri Axmed “saaxiib waa xilli dambe oo waa kaa salaadii subax loo addimayo  ee orod oo iska hoyo, subaxii marka ay ii  timaadana aniga ayaa kula soo hadalsiinaya”, Axmed wuu yeelay hadalkii saaxiibkiis wuxuuna iska aaday gurigoodii.

 

Axmed wuxuu soo gaaray gurigoodii wuxuuna isku tuuray sariirta asaga oo kabihii iyo dharkii qaba kana fakaraya weli xaaladda ay ku sugantahay gacalisadiisa, kana sugaya saaxiibkiis Cabdi Xassan teleefan, isna oranaya muxuu ku soo oron doonaa saaxiibkaa.

Markii la gaaray saddex saac subaxnimo ayaa waxaa soo wacay saaxiibkiis Cabdi Xassan oo uu ka dhowrayay teleefonka wuxuuna ku yiri saaxiib wey fiicantahay haddana Nasiib  wey ila joogtaaye la hada.  Kadibna Nasiib ayaa teleefonka qabsatay oo la hadashay Axmed:

 

Nasiib : Sidee ayaa tahay Axmed?

Axmed: waan fiicanahay ee xalay halkeed jirtay?

Nasiib: Guriga Ayaan joogay ee ma hurdo la’aan ayaa ku heysay

markaad xalay oo dhan isugaysay aniga waxaan u maleynayaa

xalay oo dhan ayaad soo jeeday oo hadda ayay habeen kuu noqotay anigana hadda ayuu waagii ii baryay ee hurdo wacaan walaalle”.

 

Intaas Markey tiri ayay ku damisay teleefankii, Axmed asagoo weli teleefankii dhagta ku haya ayaa waxaa horay usoo dhaafay illin aad u fara badan oo barkintii uu barkanaa wada qoysay, wuxuuna u qaadan waayay kana xanaaqay sidii uu uga fekerayay Nasiib iyo sidey u gashay. 

 

Asagoo weli seexan ayuu soo baxay horayna u soo qaatay qaadkiisii si uu isugu mashquuliyo wuxuuna soo aaday guriga Bahjo wuxuuna u yimid Maama Cadar, markey aragtayna wey ka naxday waayo indhihiisa waxay ka soo jeedeen god waxaana wajigiisa ka muuqatay diif aad u badan.

 

Waxayna ku tiri ‘Axmed manta waxaa laguu maleeyaa qof 30 sano ku xirnaa jeel oo aan cunno la siin jirin”, Axmed ayaa ugu jawaabay “Maama waa runtaa oo waxaan ku jiray Jayl eey I galisay gabadhaan aduunka u jeclaa, jeelkaasina ma ahan jeelkii caadiga ahaa ee waa jayl jaceyl, jaylka jaceyl iyo midka caadiga ahna waxaa daran midka jaceylka anigana midka jaceylka ayaa ku jiraa”

Kadibna Maama Cadar ayaa tiri “Kaalay horta, cabaar seexo hadhow ayaad qayileysaaye”..... Lasoco Qaybta 15aad

 

 

Halkaan ka akhriso:

Q.1aadQ.2aad . Q.3aad. Q.4aad. Q.5aad. Q-6aad.Q-7aad.Q-8aad.Q-9aad. Q-10aad. 11aad. 12aad. Q.13aad

Related Items


Leave a comment