Goormaan Gaaraynaa, Maxasnse Rabnaa Inaan Gaarno?

Wednesday February 03, 2010 - 09:47:58
0 Comments
3425
Super Admin
In muda ah waxaa dad farbadan oo wax garad ah ay bogan isku dhaafsanayeen oraaho iyo fikrado dhamaan ka tarjumaya baahida iyo xaalada aan ku suganahay. Alle SW ajar haka siiyee dhamaan talooyin wanaagsan ayey soo eediyeen Suaashu waxay taxay goorma lagaari side loogi karaa iyo waliba maxaan rabnaa inaan gaarno.

 

In muda ah waxaa dad farbadan oo wax garad ah ay bogan isku dhaafsanayeen oraaho iyo fikrado dhamaan ka tarjumaya baahida iyo xaalada aan ku suganahay. Alle SW ajar haka siiyee dhamaan talooyin wanaagsan ayey soo jeediyeen Suaashu waxay taxay goorma lagaari side loogi karaa  iyo waliba maxaan rabnaa inaan gaarno.

 

Hadal badan haan ma buuxsho meel waxqabad ubaahan hadal wax kama taro. Waa inaanu horta marka koowaad islagaranaa sida lagu jiro mawanaagsan tahay hadii jawaabtu tahay maya, tanlabaad go’aan inaan ka baxno ah maka gaari karnaa, jawaabtu mahaa baa mise waa maya, sadex meesha loo socdo ma inooga rayn doontaa waxa hada aanu ku jirno hadii jawaabtu tahay haa ficil baa loo baahan yahay markaas.

 

Madaama aanu umad muslima nahay waxa ay diinta ina faraysaa inaanu arimaha muslimiinta ka shaqayno oo aanu ku hamino wanaageeda. Sidaa waxay ku cadahay xadiiskii Rasuulka CSW ee ahaa qofkaan arimaha muslimiinta ku hamiyin inuusan ka mid aheyn iyaga.

 

Marka had iyo jeer hadii ay talaooyin farabadan inoo soo jeediyeen waxgarad farbadan oo inaga mida soo ma haboona in ay miro dhasho oo ay ina anfacdo oo aanu ka faaiidaysano waxqabadna dhab ahna la imaano mise dadkayaga qurba joogta ubadan oo ay fariimaha intooda badani ay ku socdaan ma aysan fahmin wax ay ka hadlayaan fariimaha mise entertainment miyaan ka dhiganay iyo socialization inaan u isticmaalno bogan lagu daabaco fariimaha qaaska ee inaga inagu socda.

 

Hadaba waxaan oran lahaa qofowna hadhowrin mowjad weyn oo isbadal ah aad raacdo aadna dhexda ka gasho waayo iman mayso hadii aadan adiga bilaabin oo intay doontaba hala ekaatee aadan wax qabad la iman. Waxaan ku jirnaa runtii oo aanu taaganahay meel wada ah oo waliba kala beyr ah oo aanu laba dhinac midkood u qaadan karno. Dhinac waa inaan ku jirno xaalada aan ku suganahay oo usii beyrno ama uleexano wadada dhanka xun ama inaanu dhank wanaagsan marno, oo jiritaanyaga manta magac baa kaharay aanu isdaba qabano soomaali oo idil qaas ahaan inaga.

 

Ogowna  hormarwalba  caqabad baa hortaagan hadii aadan wax ka wadin hormarkaa iyo wanaaga in lagaaro waad hortaagan tahay waayo qofna ma qaban karo qeybtaada adigay qaas kuu tahay. Soomaalidu waxay tiraahdaa ooraah ah sac ay afar nin dhulka ka kicin wayday ninbaa maqaarkiisa raba inuu iibsado oo sacaa uu baqtiyo.

 

Sayid Maxamed Cabdule Xasan ayaa yiri:

"Nin ladagay haduu sidii doqon dacayda laadlaadsho.

                      Mar uunbuu dareemaa inaan darajo loo heyn.

                                                      Baldayo markuu dido inuu deyrka jabin".

 

Waxaan hubaa inaan kartideeda, dadnimadeeda iyo awoodeedaba aanu leenahay si aanu maanta ugaarno waxa aanu hiigsanayno hadii aanu isu kaashano hormarinta danaheena oo anuna Alle SW talasaarano. Waxaanu joognaa dalal iyo magaalooyin kala fog intabadana lama midayn karo waxqabadka ama dadaalka waayo xilaga aad hurudo kuwaa soo jeeda xilaga aad soo jeedidna waa hurdaan oo isku dal iyo deegaan lama joogo, laakiin intii meel wada joogta waa inay iskaashadaan oo ay horay u socdaan kadibna aanu isaga dayano wanaaga oo waliba aanu ku tartanno wax qabadka iyo wanaaga qeyriga side alle SW inoogu sheegay ee ahaa utartama wanaaga iyo qeyrka.          

 

 

Waxaan ku soo gaba gabeen aaayadahan quraanka ah. Suratul Alla Cimran.

 


Abdulkarim H Warsame~Minneapolis, Minesota~USA

Related Items


Leave a comment