Xildhimaan Da'ud Abdikariim oo booqday Puntland iyo Warbixno

Wednesday March 31, 2010 - 00:09:19
0 Comments
3097
Super Admin
Shir lagu soo dhaweeyay Xildhibaanka DFKM Da’ud Abdikarim ayaa waxaa uu ka dhacay Magaaladda Gaalkacyo, Shirka ayaa waxaa ka soo qeyb Galay dhamaan Aqoonyahanada, Ganacsadda & Odayaasha Beesha mas’uuliyiin katirsan Dowladda oo ka soo Jeeda Beel waynta Yuusuf Daarood.

Shirkaan ayaa waxaa hadalka furay Gudoomiye kuxigeenka Gobalka Mudug Beyxaani Axmed Barre, waxaa uu xogwaran kooban siiyay Xildhibaanka & Dowrka beesha ay ku leedahay Bulshada ay ku dhax nooshahay, isagoo aad ogu dheeraaday baahidda loo qabo in la helo hormar lataaban karo ay Beesha gaarto, Kadib waxaa uu ku soo dhaweeyay hadalka Engineer Cumar dheere oo ka mid ah Aqoonyahanadda & ganacsadata Beesha sida aadka ahn looga yaqaano Gobolka Mudug waxaa u soo dhaweeyay Xildhibaanka, kuna amaanay firfirciinida ka muuqata & in xildhibaanka aad u daneenayo u shaqeeynta Umadda Somaliyeed gaar ahaan  Beesha uu umatalo Dowlada dhaxe. Engineer  Cumar Dheere ayaa sidoo kale waxaa uu ku booriyay ka soo qeybgalayaasha in ay ka shaqeeyaan hormarka & wanaaga.

Waxaana lagu soo dhaweeyay hadalka Xildhibaan Da’ud C/kariin Sheihk Cumar, waxaa mahadanaq u soo jeediayay qabanqaabiyaasha & ka soo qeybgalayaahsa intaba, Intaas kadib waxaa uu ka warbixiyay safarkiisa shaqo uu ku yimi Puntland isagoo xubin ka ahaa xildhibaano koox ah oo ka soo jeeda degaanka Puntland loona xilsaaray isu soo dhaweenta Dowlda Puntland & Fedaraalka. Xildhimaanku waxaa uu guul ka sheegay socdaalkooda isla markaana  isagoo kadibna kaga faa’ideystay safarkiisa in la kulmo Mdaxweyne faroolo uuna ka lahadlay arimaha Beesha YD uu ka soo jeedo.

Ugu danbeeyntii  Xildhimaan Da’ud ayaa waxaa uu soo jeediyay in Beel waynta YD looga baahanyhay in ay wax la qeebsadaan Beela walaalahood ah & in lahelo guddi isku xirra beesha dhaxdeeda isagoo nasiib daro ku tilmaayay habacsanaanta ka jirta beesha dhaxdeeda.
Intaa ka dib ayaa waxaa la’is lagartay in la magacaabo Guddi ka kooban 7 xibnood oo soo qabaqaabiyo shir guud oo heer Gobol ah oo ay yeelato Beelwaynta dhexdeeda.


Gudiga loo magacaabay kashaqaynta iyo soo diyaarinta shirka ayaa ah

Beyxaani Axmed Barre Madaxa Gudiga
Jaabir Maxamud C/dlle Xogaye Guud Guddiga
Maxed xaashi Maxamed Xubbin
Cali Khalif Cali (weyrax) Xubin
Jaamac Maxamed Axmed ( Koonfurow) Xubin
Siciid Axmed Ciiraale Xubin
 
Gabagabadii shirka ayaa waxaa soo gunaaduday Xildhibaan Da’ud oo ubalan qaaday ka soo qebgalayaashii in uu ka shaqeeyn doono danaha Umada Somaliyeed iyo belweynta uu ka soo jeedo isagoo sheegay in ku soo laaban dooni Puntland dhawaan.  Ugu danbeyntii isagoo kaga mahad celiyey ka soo qebgalayaasha sida wanaagsan oo ay u soo jeediyeen fikradahooda uuna yiri ‘ waan idnka aqbalay dhaliilaha aad inoo soo jeediseen hadaan nahay xildhibaanada beesha ogu jira Fedraalka waxaan idiin balanqaadayaa in aan fariintiina gaarsiin doono saaxiibadeey.

Sawiro iyo Warbixino Badan oo kusaabsan Socdaalka Xildhimaan Da'ud way soo sacdaane ha u daymo la'aan.


XaarXaar Online~ Galkacyo Puntland

Related Items


Leave a comment