Xildhimaan Da'ud oo shirar ku qabtay Burtinle, G/kacyo iyo Nairobi

Thursday April 01, 2010 - 00:18:36
0 Comments
4495
Super Admin
Shirarka Nairobi, Gaalkacyo iyo Burtinle waxa ka dhashay gudiyaal sida uu sheegay Jaabir Maxamud Abdulle oo goobjoog ka ahaa Shirarkaas. Waxaa dhawan lasoo bandhigi dona qorshayaasha gudiyadan ay qaban donan iyo wax yaabaha loo baahan yahay...

 

Gudiyashan waa gudiyaal dhaqale iyo kuwa shirar qaban qabiyayal ah waxa la rajeynayaa sida dhowr mar laga shan qariyey in shir guud oo beesha ah la iskugu yimaado shirkaas oo ka dhacidoona Deegaanka Xaarxaar. Waxaa la samayn dona sida uu ajanduhu yahay in dhaman besha gudaha iyo dibadba ay kasoo qayb galan.

 

Xildhibaan Dauud Abdikarim waxu lakulmay Odayaasha besha ee jooga gobolka qaarkis, Burtinle waxu kula kulmay Suldaanka Maxamed ahmed Abdulle, Nabadono ay kamid yahin Ahmed Mumin Cumar, Cabdi Khalif Maxamed Aden, Farah Madoobe, Howle Aden Yey, Cali Farah Hasan, Nabadon Dhuunyare iyo Odayasha Nabadonada ah sidas oo kale Gaalkacyo waxu lakulmay dhaman beesha joogta waxgaradkeda iyo ganacsatadeda waxa ka dhshay gudiga aad ku aragten shabakada warbaahinta  Xaarxaar.com.

 

Nairobi Axad March 28, 2010 Ayaa sidoo kale Xildhimaann Da'ud shir ku qabtay  kasoo ay kasoo qayb galeen jaliyada besha ee halkaas ku dhaqan, waxa iyadana lagu magacabay gudi  ku waasoo kumel gaar ah, waxa ay soo qaba qabin donan shir ay iskugu yimadan jaaliyada reer Nairobi iyo guud ahan kuwa Kenya ku dhaqan.

 

Gudiga lamagacabay waxa kamid ah Professor Husen Maxamed Abdi, Ali Farah Aden, Abdirashid Abdi Lugad, Maxamed Ali Farah, Cakaara Xaashi, Dahir Abdiyare iyo akhyar kale. Waxan rajeynayna in shirarkan iyo gudiyadan ay noqdan kuwa taaba gala Ilahay idankin.  sidaas oo kale waxa la qorshaynaya shiraryal kale oo uu xildhibanku la xiriray dad jooga qurbaha inay goobahoda ku kulman lana helo gudi qaran oo heer adun ah kaas oo qolo kasta mesheda intay kushirto la daraseeyo sidi shirka guud ee dhici dona December, 2010 amba kahor hadi la isku afgarto la iskugu yimado deegaanka Xaarxaar lana helo jaliyada dibada oo kasoo qayb gasha. xildhibanku waxu lakulmay Madaxweynaha Puntland C/rahman Farole waxu kala hadlay arimo quseya beesha, Waxa jira qorshayal ay isku afgarten isaga iyo Madaxweyne Farole.

 

Qorsha dhisida deganka Xaarxaar waxa jira mashrucyal uu wado xildhibanku kuwaas oo ah wax qabad dhab ah oo laga qabto arimaha bulsho ee kajira deganka cidda. Xildhiban Da’ud Abdikarim waxu shegay hadi beesha aysan isdaba qaban in ay ku damyn donan “Group-Group qurbaha ku abaada oo noqda kuw aan halkan soo dhaafsisanayn iyo kuwa sidi ugaarti duurjoog kunoqota degankas”. Waayo horumar la’aanta iyo isku xir la’aanta ayaa taas keni dona... Waxa jira dadaalo badan oo ay wadan xidhibanka iyo masuliyin kale oo katirsan beesha.. Ali ahmed.

 

Bahda Xaarxaar Online waxay ka cudur daaranaysaa inaysan idiin soo gubin Sawirada Safarka Xildhimaanka. Insha allah isla marka ay nasoo gaaraan ayaan idiin soo gudbin doonaa.

 

Sidoo kale Xaarxaar Online waxay si gaar ugu mahad celinaysaa Ali Ahmed oo warbixintaan aadka muhiimka u ah noosoo gudbiyey ee Ku saabsan Safarka Xildhimaan Da’ud Abdikarin iyo Wax qabadka Xildhimaanku uu maagan in uu bulshadiisa ku hormariyo.


XaarXaar Online

Maamulka@xaarxaar.com

Xaarxaar@live.com

Related Items


Leave a comment