Awaal-Tiris- Waan maanso cusub oo uu curiyey Abwan Hadraawi

Saturday April 03, 2010 - 11:12:45
0 Comments
5096
Super Admin
waa maanso cusub oo uu tiriyay abwaanka caanka ah ee maxamed Ibraamih Warsame Hadraawe

Maansadan Awaal-Tiris, waxa curiyay Abwaanka caanka ah, Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), waxaanay soo baxday 13/09/09. Waxa uu kaga hadlayaa mushkiladaha dhinacyada badan ee maanta mujtamaca ku xeeran. Qaadka oo ah kan sababay in ragga Soomaaliyeed gabo kaalintii uu nolosha ku lahaa, taasina geyaysiiso haweenka inay ku keliyaystaan dhibaatada nolosha; ayuu si ba’an u dhaliilayaa.

Obocda Maansada, waxa uu Abwaanku ku xusayaa sheeko naxdin badan. Gabadh ayaa ninkeedii ku mashquulayaa aafada Qaadka, kagana jeedsanaya masuuliyaddii ubadka iyo noloshaba ka saarnayd. Si carruurtu u hesho quutal-daruurigoodii, ayay gabadhu bacadka u ban-baxaysaa, iyada oo Qaadka laftiisa ka ganacsanaysa. Af-xumo, guhaad, amaah iyo qaylo ayay intaba u dhabar-adaygaysaa. Maalinta dambe ayaa aabbihii qoyska ee caqaarta ku ruugayay ‘Albaabbada kheyrku seegay’, waa sida Abwaanku leeyahay’e, ayaa muddo Toddobaad ah ka maqnaanaya gurigiisii. Isagu waxa dabadii guriga ka dhacay war uma hayo’e, iyada oo loo fadhiyo Tacsidii inantiisii curad ee Ugaaso ayuu soo galayaa. Qaad ayuu kilaankillada ku haystaa, waxaana u daran meel uu fadhiisto iyo shaah/biyo. Si ay intaas ugu fuliso inantiisii curad ee Ugaaso, ayuu odhanayaa “Ugaasooy…Ugaasooy.” Ugaasada uu la hadlayaaba miyaanay dorraad dhiman oo inta kafan loo amaahday axan loo yaboohin. Yaab! Halkaas ayay hooyadu dhawaaqeeda ka bilaabaysaa.

Gebagebada Maansadana, waxa uu Abwaanku kaga warramayaa sida Odaygii iyo Waayeelkii ummaddu u ab-guuray ee uu u noqday mid iimaankiisa xaraasha. Sidoo kale waxa uu si weyn u naqdiyayaa siyaasadda awaalkan jirta oo u ku tilmaamayo mid aan aabbo lahayn, ku-daalkeeduna aanuu macno buuran samaynayn.

Iyada ayaa Maansadu is fasiraysa ee aan idiin kala baxo:

1. Uub baad ku jirtaa qarsoone,
2. Ka soo baxa iilka Qaadka,
3. Adduunka ragoow mar kaalay,
4. Abuurtiyo heega daawo,
5. Awoodaha saaran daawo,
6. Falaadkiyo alabbadeeda,
7. Ilaah samihiisa daawo,
8. Udbaha iyo teedka daawo,
9. Aloolka ku jeeran daawo,
10. Hagoogta aslaysa daawo,
11. Cadceedda ifaysa daawo,
12. Ilwaadkiyo nuurka daawo,
13. Abaabul-caddaanta daawo,
14. Ummuuraha toosay daawo,
15. Dayaxa ishin-buuxsankiisa,
16. Aashaa socodkiisa daawo,
17. Cir-jiidhiyo ololka daawo,
18. Rugaa afo-gaalladiisa,
19. Laxaa iyo ururka daawo,
20. Aleelaha guudka daawo,
21. Habeenka amuuman daawo,
22. Shareerkiyo aqalladiisa,
23. Haddana ashqaraarradiisa,
24. Ardaayada gogosha taalla,
25. Ammuuraha seexday daawo,
26. Haddaanu arbeebigeedu,
27. Ku barin abtirsiimadeeda,
28. Inbiig ku dhex joogi maysid;

29. Ugaas bokhran baad ahayd’e,
30. Irdaha noloshaad ahayd’e,
31. Ilayska dhulkaad ahayd’e,
32. Ragoow indho-beelistaada,
33. Asaayo maxaa ka beermay!
34. Halkaad ku lahayd astaanta,
35. Maxaa umal soo fadhiistay,
36. Maxaa gudcur soo af yeeshay,
37. Naftaada markaad illowday,
38. Bal soo tiri aafadaada,
39. Wixii lumay aynabkaaga,
40. Bal daawo inkaarahaaga!

41. Unuunka dhirtaad ka goysay,
42. Aahdeeda bal soo dhegayso,
43. Hashii iyo awrka geela,
44. Abaaludda loo dareershay,
45. Ureenkiyo tiinka daawo,
46. Rasaasta alwaysa daawo,
47. Oomaarkiyo dhiigga daawo,
48. Areerinka meydka daawo,
49. Islaan curadkeeda weyday,
50. Asayda la saaray daawo;
51. Habliyo ubixii dalkeenna,
52. Markay Ingiriis u xiistay,
53. Markii Inglan looga yeedhay,
54. Wedkay ku aroortay daawo;
55. Uneexada gabanka xoortay,
56. Abaydinka dooxa yaalla,
57. Abkiisa la sheegi waayay,
58. Aboodigu boobay daawo;
59. Addoonka addoonka maagay,
60. Ku yidhi isku Aadan miihin,
61. Gabooye agtiisa yaalla,
62. Walaalnimadii ka ootay,
63. Aayaadkiyo diinta qeexan,
64. Sidaas kaaga aayo beelay,
65. Halkuu illin mooday daawo;
66. Cirkii onkodkiyo hillaaca,
67. Daruuraha alabaskooda,
68. Cuslayn jiray alalagtiisa,
69. Bal daawada uummigiisa;
70. Dhulkii ubixiyo caleenta,
71. Ugbaadkiyo doogga laaca,
72. Ilwaadkiyo nuurka sheegtay,
73. Awaaraha jiifa daawo;
74. Basaastiyo oonka daawo,
75. Geyiga umal-toobankiisa,
76. Ayaayurantiisa daawo,
77. Bal dhawr laba-eefiddaadu,
78. Waxay af-dhabaandhab keentay!
79. Garaadka abloobay daawo,
80. Adduunyadu baadi maaha,
81. Mudkeediyo bulad ammaanka,
82. Afkii cunay quusan waaye,
83. Hadduu laba-aabudh saaray,
84. Hadduu ugubkeeda leefay,
85. Muxuu ka dhex joogi uuska.

86. Ugaasadu meeday? hee dhe,
87. Dorraato miyaan la aasin,
88. Miyaan kafan loo amaahan,
89. Miyaan axan loo yaboohin,
90. Markii araggaa la waayay,
91. Miyaan jinku qaylo oogsan,
92. Miyaan insigii gadoodin,
93. Miyaan ollogeenu yaabin!

94. Ishaaro san kaama hayno,
95. Shidaad naga oollin maysid,
96. Ogaal nagu caymin maysid,
97. Itaal nagu xoojin maysid,
98. Qudhaanjo afuufi maysid,
99. Dalool naga awdi maysid,
100. Xashiish nala ururin maysid,
101. Aqool nala seesi maysid,
102. Aqoon nagu biirin maysid,
103. Xilkaagana oofin maysid,
104. Afkaagana dhawri maysid,
105. Sidii gabadhii Ayaan’e,
106. Ayaan-Hooday dhahaan’e,
107. Abwaannimo sheegan maysid,
108. Aroor qudha toosi maysid,
109. Dhiggaagiyo aynigaaga,
110. Adduunka la qaybsan maysid,
111. Iskaaba xusuusan maysid,
112. Wixii Rabbi kuu abuuray!

113. Intaydu ku deeqi mayso,
114. Intaada ku biirin maysid,
115. Hantida arladoo dhan taalla,
116. Haddaad irbad nooga keento,
117. Ducaa ku asqayn lahayd’e,
118. Inkaar naga waayi maysid;

119. Ufiyo bacad baan fadhiistay,
120. Anfaaciga aad cunayso,
121. Ilaaqda raggaan ku keenay,
122. Waxaan u adkaystay maagis,
123. Amaah iyo qaylo joogta,
124. Uurkayga waxaan ku haysto,
125. Afkayga ka sheegi maayo,
126. Asluubtana qoomi maayo,
127. Awaashiyo waayahayga,
128. Ka daalaco oogadayda.

129. Haddaad na ilaalin weydo,
130. Axsaanta ku laaban weydo,
131. Abaal nagu yeelan maysid,
132. Ammaan naga dhowri maysid,
133. Anigu kugu faani maayo,
134. Dharaar kugu aarsan maayo,
135. Adiga kuu uunsan maayo,
136. Agtaydana jiifi maysid,
137. Haddaan beri kuu il-duufay,
138. Haddeer ku abaysan maayo;

139. Markay ajashaada gaadho,
140. Cidina kuu ooyi mayso,
141. Ilaahay ka dhuuman maysid,
142. Jannada ku aroori maysid,
143. Cadaabta ka oolli maysid,
144. Godkaaguna waa aboor,
145. Abeesiyo waa ciqaab.

146. Ragoow amarkaaga weyni,
147. Haweenka uleeya maaha,
148. Dhibtooda ku iida maaha,
149. Ufaan uf qadhiidha maaha,
150. Albaabbada kheyrku seegay,
151. Caqaar ku aroosta maaha,
152. Asaasaq ku gaadha maaha,
153. Ku aakhiro-seega maaha.

154. Ragoow irdho qaadan maysid,
155. Ugaadhsi ka seexan maysid,
156. Abeerka badbaadin maysid,
157. Ugeybkana dhaafi maysid,
158. Haddaad cunto aayahaaga,
159. Xulkooda haddaad abbaarto,
160. Unuunka haddaad ka goyso,
161. Areebo sidaad ka yeeli?;
162. Sabeen inanteennu maaha,
163. Adeeri ka sii mug weyn’e,
164. Asoolka hablaa ka daaya!

165. Abaartiyo roobka dhoofay,
166. In waalan, intiinna dhoohan,
167. In qaawan, intii sawaaban,
168. Dhammaan ifafaalayaasha,
169. Ka muuqda adduunyadeenna,
170. Ragoow ubadkaaga leexday,
171. Islaamnimadii ka baydhay,
172. Agoonnimadooda buuxda,
173. Dhashiinna ku aabbo weyday,
174. Asmay ku calool galeen’e,
175. Ammaanada boodhka taalla,
176. Ragoow ololaynta Jaadka,
177. Haddaad kaga ood fogaatay,
178. Maxaa arrin kuu dambeeya!

179. Ragoow ka adkoow xilkaaga,
180. La saayira ooryihiinna,
181. Irmaanta xaqeeda siiya,
182. Ragoow ubadkaaga toosi,
183. Wixii arrin kaa daboolan,
184. Iimaanka ku baadi-doona,
185. Afeefna ka yeesha xaajo,
186. Ilaashada baylahdiinna;

187. Alhuumadu way fiddaaye,
188. Haddaad ummad liil ka weydo,
189. Hadday ahab yeelan weydo,
190. Waayeelku hadduu ab-guuro,
191. Hadduu odaygeedu waasho,
192. Hadduu la anbado xilkiisa,
193. Hadduu runta aamusiiyo,
194. Hadduu kolba eed xanbaarto,
195. Asuulkiyo xeerka soohan,
196. Hadduu marba oof-daloosho,
197. Hadduu laba-eef caddaysto,
198. Iimaanka hadduu xaraasho,
199. Hadduu wacadkiisa iibsho,
200. Araadi hadduu ku doono,
201. Ilaahay ka yaabi waayo,
202. Hadduu kolba iin’ caddaysto,
203. Hadduu umal saaqa yeesho,
204. Sidii abris qooqan guuxo,
205. Hadduu sida awr xunbeeyo,
206. Hadduu abur xoor leh saydho,
207. Hadduu ilko jiira yeesho,
208. Hadduu noqdo aadun huursan,
209. Abeesada meel la daaqo,
210. Aqoonta qofkii ku dhaama,
211. Hadduu asaraar ku beensho,
212. Dhirtuba kala ayni weeye,
213. Hadduu Garan-waa’ abuuro,
214. Hadduu kala geeyo uunka,
215. Hadduu marba qayb la ooyo,
216. Hadduu marba iil banneeyo,
217. Hadduu yahay uur-ka-gaal,
218. Wanaagga ku aabi badan;

219. Aleelo hadduu ku waasho,
220. Islaan iyo foox karaarsan,
221. Agtooda hadduu fadhiisto,
222. Ijaabo ka baadi-doono,
223. Ibliiska hadduu la showro,
224. Hadduu marba ood ka boodo,
225. Ishaaro xun baa qarsoon;

226. Haddaanay astaan lahayn,
227. Abbaar iyo nuxur lahayn,
228. Aroor iyo raad lahayn,
229. Ammaaniyo qawl lahayn,
230. Asluub iyo dhaqan lahayn,
231. Islaamnimo sheeganayn,
232. Hadday wada eexo tahay,
233. Hadday asaroorin tahay,
234. Asaasiran lagu bursado,
235. Hadday dabin aasan tahay,
236. Shil iyo wada eeso tahay,
237. Hadday wada aano tahay,
238. Hadday agaraadam tahay,
239. Addoonsigu diin u yahay,
240. Hadday orgobaysan tahay,
241. Iimaanku ka qooman yahay,
242. Hadday Arraweelo tahay,
243. Hadday abnawaasad tahay,
244. Af-duub iyo beeno tahay,
245. Axsaantu ka maydhan tahay,
246. Hadday orgi iyo ri’ tahay,
247. Or iyo wada qaylo tahay,
248. Hadday adhiyaysi tahay,
249. Hadday adhax-tuujin tahay,
250. Ilduuf iyo jeeble tahay,
251. Hadday wada ‘Aniga’ tahay,
252. Siyaasadi aabbe ma leh.

253. Ku daalka abaabulkeeda,
254. Alooskiyo baanaheeda,
255. Ujeeddo ka keeni maysid!!!

Related Items


Leave a comment