Warbixinta kooban oo kusaabsan Xalada Beesha YD ee Gudaha

Friday April 09, 2010 - 07:02:59
0 Comments
3758
Super Admin
Beesha YD waa beel da’ weyn sida beelaha kale ee Darood, beeshu waxay mudan tahay waxa ay mudan yihiin beelaha kale ee Daarood , beesha YD waxay ahayd beel magac , maamuus iyo taariikh leh dhinacyada tayada , hantida , gaashaandhigga iyo hogaaminta intaba . Beeshu diyaar uma aha inay ka tanasusho dawrkeedii hogaamineed ee beelaha walaalaha ah dhexdooda iyo tan Soomaali weyn.

Walaalayaal, beesha YD wax kuma laha:

  • Maamulka Puntland.
  • Sharikadaha w/weyn ee loo shaqeeyo.
  • Hoteelada w/weyn ee la dego.
  • Baabuurta w/weyn wax xambaara.
  • Iyo dhammaan adeegyada laga faa’ido lagana shaqaysto.

Qoddobadan waxaan u xusay waa meelaha aan doonayo in laga shaqaysto oo loona diyaar garoobo sidii sharikaad loo samayn lahaa laga saqaysto lagana faa’ido.

 

 

Gudaha wadanka , beesha xilligaan waxaa haysta dhibaatooyin fara badan  sida :

  • Kala daadsanaan iyo midnimo la’aan.
  • Waxbarasha la’aan
  • Shaqa la’aan
  • Caafimaad xumo.
  • Iyo faqri.

Arrimahaan waxay keeneen hoos u dhac maqaamka beesha  beelaha Somaaliyeed dhexdeeda dhinacyada siyaasadda , dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada, arrintuna waxay maraysaa ciddii aan tahashan waa loo taliyaa.

 

Mudanayaal iyo Marwooyin, dhibaatooyinkan haddaan deg deg wax looga qaban ,beeshu waxay khatar ugu jirtaa inay inta quustaan jabka qaayibaan oo la yiraahdo berri baa waxaa jirey beel la oran jirey YD. 

 

Haddaba si dhibaatooyinkan  looga kabto , horumarnna loo higsado waa in la qaato tillaabooyinka ay ka midka yihiin:

 

  • Qabashada shirweyne beeleed ( degdeg )
  • Midaynta beesha YD
  • Jeexista barnaamijka iyo istiraatijiyadda beesha xilliga dhow , dhexe iyo kan fog dhinacyadda siyaasadda,dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.
  • Samaynta dastuurka beesha , sida ay u kala dabaynayso iyo sida ay isu maamulayso.

Waxaan ku tallin lahaa inaan shirka noocan ahi dhaafin sannadan 2010 ka baahida taagan darted si aad iyo aad  loo qaban qaabiyo, loona diyaariyo inuu miradhal noqdo.

 


Mahadsanidin.

Waxaan idiin rajaynayaa guul , horumar iyo midnim

Abdirizak A. Gurey.

05/04/2010

Related Items


Leave a comment