Beesha YD oo shir kuyeelatay Dalka Hollanad May 1, 2010

Monday May 03, 2010 - 22:45:03
0 Comments
2931
Super Admin
Shir balaaran oo ay beesha YD ku yeelatay Magaalada Amersfoort ee Dalka Holland ayaa ahaa mid si gaar ah laysugu soo agaasimay isla markaana udhacay sidii la rabay. Shirkan oo ay kasoo qayb galay Aqoonyahano, Xildhibaano, Odayaal, Dumar iyo Dhalinyaro ayaa waxaa lagu lafa guray sidii ay Beeshu ay wax ula qaybsan lahayd beelaaha kale ee walalahood ah ee dagan wadanka Holland iyo sidi laysugu xiraan lahaa iyo ay xil uga gaysan lahayd badbaadinta Umada somaliyeed ee 20ka sano dhibnku ku habsaday.

Waxaa ka hadalay shirka wax garad iyo cuqaal uu ka mid ahaa Kaamil Husein (Cidi Libaax) Waxaa uuna aad ugu mahad celiyey ka soo qaybgala yaashii isla markaasna ugu baqay in dhulka laga kaco oo lagu daydo wadamada kale  oo ay ka socdaan is xilqaanka ah isku xirka beesha iyo isku duubnida.


Waxaa asana halkas ka hadlay kornayl Xasan Caabi oo asana  ugu baqay dhaman Beesha YD isku duubni iyo wax qabad muuqda oo aan noqon mid afka kaliye, sidoo kale Wuxuu aad ugu mahad celiyey kasoo qaban qabiyaashi shirka asaga oo ku boriyey in ayasan ka daalin wanaaga iyo wada jirka.

 

Sidoo kale waxaa Madasha shirka kahadlay waxgarad badan oo aad ula dhacsanaa sida ay manatay beeshu hurdada uga kacday oo ah mid aan la qarin Karin.  

 

 Qodabada Shirka lagu heshiiy in la wajaho ayaa waxa ka mid ahaa kuwan

 

o   Shir balaaran oo ay beshu yeelato  kaas oo ah mid ay yeelan doonto dhamaan besha YD ee Dagan wadanka Netherland.

o   In ay beeshu gudi ku yeelato belaha kale ee dagan wadankaan

o    In ay beeshu ka qayb qaadato dadaalka guud ee ka socda aduunka oo dhan.

 

Shirkaas ayaa waxaa lagu doortay gudi  kaas oo ah mid ka shaqayn doona masiirka bel waynta YD ee dagan wadanka Holland.

 

GUDIGAAS OO KALE AH

1.      Kaamil xusein xirsi cidilibaax

2.       DR; Abdiziz ahmed oday

3.      Kornayl Xasab Caabi Mohamed

 

waxaa kaloo jira gudigaas gudi kale oo la shaqayn doona

1.      Mohamud xasan maamaale

2.      IDIRIS xusein yusuf

3.  Ahmed Abdulahi Waali

4.  Jamaal Ahmed Shire

5.Abdirazak Sh. Mahamud Aw-Farax

Sawiro

Shirkaas  oo ku dhamaaday sidii loogu tala galay
Abdihakim abdi isamil ilko dhagax
e mail ilkodhagax@hotmail.com

Related Items


Leave a comment