Hormarka degaanada Puntland & doorka Beesha Yusuf Daarood

0
Tuesday August 03, 2010 - 20:50:14 in Special Reports by Super Admin
  • Visits: 5568
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hormarka degaanada Puntland & doorka Beesha Yusuf Daarood

    Somaliya waxaa ay xuriyadeeda heshay 1960 markaas oo ay ka qaateen dowladihii Taliyaaniga & Ingriiska. Dowladihii rayidka ahaa kadib wadanka waxaa ka hanaqaaday dowladii Militariga ahyed oo uu hogaaminayay Jen. Maxamed Siyaad Barre, mucaardad kaga ti

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliya waxaa ay xuriyadeeda heshay 1960 markaas oo ay ka qaateen dowladihii Taliyaaniga & Ingriiska. Dowladihii rayidka ahaa kadib wadanka waxaa ka hanaqaaday dowladii Militariga ahyed oo uu hogaaminayay Jen. Maxamed Siyaad Barre, mucaardad kaga timid beelaha soomaalied darted ayaa waxaa ay keentay in wadanka Somaliya ay ka bilawdaan dagaalo sokeeyo 1991, markaas oo ummada soomaaliyeed ay ukala baxeen qabaafilo oo ay ku kaliftay in ay dagaan dagaano, qabiil walbana uu aaday meesha uu isleeyahay waad ku xoogantahay, intabadan beesha Dooraad waxaa ay aadeen Jubooyinka, Gedo & Puntland. Hadaba sufaasha in la isweydiyo ubaahan waxa ay tahay Beesha Awrtable xageey u hayaameen dagaalkii Sokeeye kadib?.

Waxaan jeclahay in Maqaalkan ku soo bandhigo isbadalkii wadanka ku yimid iyo xaaladihii kala duwanaa uu soo maray wadanka, waxaan rabaa inaan waydiiyo dadka beeshaan ku abtirsada isbadalaadaas xageey kaga jiraaan? Majiraan dad aaminsan inaan qeyb kanahay isbadalaas mise dib udhac ayaa jira? Anagoo ka eegeyna Xagwalba; Xagga siyaasadeedaiyo xagga hormarka bulshada.

Xagga Siyaasada Guud:

Guud ahaan waxaan dhihi karaa ka qeyb qaadashada siyaasda guud ee wadanka waa laga muuqdaa, oo nidaamka qabiilka ayaa sahlay in aan ka muuqano ee mafilayo dadaal kale oo gaar ah ama awooda beesha ay leedahay in looga qeybgaliyay. Su'aashu waxa ay tahay ilaa intee ayuu nidaamka habka 4.5 sii socon karaa? Waxaan arinkaas ola jeedaa wadanka ma nidaamkaas ayuu ku sii socon doonaa, mise waxaa loo laaban doonaa nidaamka degaanka? Waxaa laga yaabaa in dadka aqrinaya maqaalka in aad kala kulantaan sua'aalo baddan oo laga yaabaa in aan jawaabtooda halkaan aanan ku xusin, waxaanse isleeyahay in aan bidhaamiyo waxa aan is leeyhay waa loo baahanyahay. Marka su'aasha Degaanka si gooni ah ayaan oga hadli doonaa. Laakin sufaasha u danbeeysa aan isweydiinayno waxa ay tahay maku qanacsanhay mise aaminsanahay in aan sifiican oga qeyb qaadano siyaasada guud ee wadanka? Waa su'aal furan aan jeclahay inaan u daayo dadka beesha ku abtirsada.

Xagga siyaasdda Gobolodda/Degmooyinka

Sidaan horay u xusay dagaalkii sokeeye kadib qabaa'iladii Soomaliyeed waxaa ay u hayaameen degaano qabiil waliba uu is lahaa awood ayaad ku leedahay, beeshu waxaa ay u soo qaxeen Puntland, ma is dhihi karnaa beeshu sifiican ayeey oga qeyb qaatay am oga faa'ideystay arimaha siyaasada & hormarka xag degmo iyo Gobalba. Sida aan lasocono hadda waxaa kajira nidaam loogu magacdaray Dowlad Goboleedka Puntland. masa ka dhexmuuqdaan dadka beeshaan ku abtirsada nidaamka hadda jira?. hadeeyse ka muuqdaan ma wax uqalma ayaa laga siiyay mise waa ay ku dulmanyihiin? hadeeyse taa jirto maxaa keeney?

Saan horay usheegay qormadeydu waxaan ugu talagay in aan diirada ku saaro xaqiiqada jirta ,taas aan oga gol leeyahay in indhihiina kusoo jeediyo xaaladda ay ku noolyihiin beesha aad ku abtirsadaan, sidda aad isula muuqataan iyo sida ay bulshooyinka kale oo ku nool Puntland ama Soomaaliya ay idiin arkaan.

Xagga Degmooyinka/Gobolada

Beeshu waxa ay dagaan Laba Gobol oo ka tirsan Goboloda Maamulka Puntland oo kala ah Mudug & Nugaal.

Aan ku hormaro Mudug. Mudug waxaa ka jira barasaab& kuxigeenadiisa, Duqa-magalada,Gudoomiye-degmooyin, golaha dowlada hoose, saraakiisha xagga amaanka & agaasimayaal iwm. Sidoo kale Gobolka Nugaal waxaa kajira intaa & in lamid ah. Waxaan filayaa hadaanan qaldaneyn waxaan hubaa G/kuxigeenka Gobolka Mudug, waa jagada kaliya oo ciddu ay hayso sida aan xasuusto hadda hadey kuwa kale jiraan waa lagu dari karaa.

Dhanka Nugaal aan usoo laabto waxaan filayaa in ay ka midtahay Goboladda beesha lagu tiriyo marka lagahadlayo deegaanka am bulshada ay utaqaano, majirtaa Degmo ka mid ah nugaal oo ay beeshu guduumiye ka tahay? Waxaan filayaa jawaabtu waa May!!!. Gobolka Nugaal oo ay ka jiraan degmooyinkiisa Golaha Deeganada ma jirtaa meel aan aheyn Burtinle oo ay beeshu wakiilo(xubnaha golaha deeganka) ku leedahay inagoo maanka ku heyna in Caasumadda Golaha deeganka matalayay lagu qeybiayay beelaha daga Gobolka. waxaan filayaa qof walba oo beesha ku abtirsada in uu ogayhay xaalka laakiin aniga ujeedkeygu waa in aan baraarujin sameeyo.

Xagga Maamulka Puntland:-

Waxaan filayaa waa meesha ogu daran oo ilaa hadda loo la'yahay jawaata sidda ay arintaa ku dhacday, waxaa umatla beesha aanu ku abtirsano Baarlamaanka Puntland oo ka kooban 66 xildhibaan, 1 xildhibaan, wax waziir ah malaha, waxaa ay leeyihiin hal waziir ku xigeen oo ah ( waziir ku xigeenka Deegaanka & duurjoogta) , siddoo kale, waxay leeyihiin hal agaasime. Si aanu ufahano muuqaalka guud. Dowladu waxa ay ka koobatahay sidaan horay uxusay 66 xildhibaan, Gud. Baarlamaan, G/kuxigeen, Madaxweyne, M/Kuxigeen, Gole waziiro/Kuxigeeno oo ka kooban ilaa 40 meeyo, ama kabadan, Agaasimayaal guud/kuwa waaxeed aan tiradoodu aad ay ubadanthay iyo saraakiil. Su'aashu waxay tahay: beesha ma uqalantaa inta ay hadda ka heystaan maamulka hadeyse uqalmin maxaa lagudboon oo ku soo ceshan karaan?

Jawaabta waa mid loo baahanyahay in laga wada qeyb qaato, aniga waxaan ku soo gudbin doonaa qeybta udanbeysa aan ogu talagalay tala soo jeedinta fikirkeyga shakhsi.

Xagga Dhaqaalaha:-

Sida aanu lawada socono dhaqaalahu waxa uu lafdhabar u yahay hormar kasta ay ummadi dooneyso in ay gaaraan, iyaddoo tixgalin dheeri ah la siiyo dadka hantiilayaasha oo intabadan ku lug leh isbadalka siyaasadeed oo ku yimaado wadan/Gobal, waxaan filayaa in intiina badan aad akhriseen maqaalkii uu qoray Prof. Abdirizak Ahmed Mohamed, oo noogu soo bandhigay "Ganacsiga Puntland ee doorka beesha ay ku leeyihiin" Maqaalkaas aniga si gaar ah ayuu ii saameeyay maadaama aniga aan ku noolahay wadanka aan aad u dareemi karo waxa uu ka hadlahay Prof, waxaan usoo jeedinayaa qofkii aanan fursad u helin in uu akhriyo in waqti uhuro oo uu akhriyo, xaqaiiqada ka jirta halkaa ay ku qorantahay. Waxaad ka heli kartaan (www.xaarxaar.com).

Xagga bulshadda:-

Waxaa ka jira Soomaaliya/Puntland ururo aan dowli aheyn sida Bulshada rayidka, Aqoonyahanada somaaliyeed, Haweenka iwm, inta aan ogahay ka qeyb qaadashada & ka dhax muuqashada ururadaan majirto ayaa la oran karaa hadey jirtana waa mid aad uyar. Waxaan mararka qaarkood isweydiyaa, beesha maxaa ka hortaagan in ay qeyb qaataan ururda aan dowliga aheyn ee kajira wadanka, ilaa hadda ma jiro hal NGO oo aan kaga qeyb qaadan karno hormarka degaanka beesha. Urardan waxaa ay qeyb ka yihiin bulshada waxaan loo adeegsadaa hadba sidii la doono.

Dhanka xagga caafimaadka haddi aan eegno, majiraa hal isbitaal am xitaa MCH ay cidda ka hirgaliyeen deegaanka ay ku abtirsadaan?

Dhanka tacliinta sidoo kale ma jiraan waxbrasho lataaban karo ay cidda ka hirgaliyeen, am ay ka qeybqaateen, marka laga reebo midka tacbaanka ah oo ka jira XaarXaar? Mise ka qeybqaataan tacliin dhalinta beesha, inteese ay ka yihiin ardayda wax kabrata deegaan ay ka soo jeedaan? Waxaa naxdin leh in lagu qiyaasay dhalinta hadda wax kabarata schoolka sare ee burtinle dhigta in ay ka yar 3%, waan dhalinta ogu baddan ee dagan magaalada burtinle. Macadkii Muntada ee gacanta ku hayay Alaha u naxriistee Sheikh ahmed ay ka yihiin in kayar 7% anagoo og machadka uu ku yaalo xaafadda lagu magacaabo Tuulo ciise oo gabigeebada ay degaan beesha. Dhanka tacliinta sare heerka jaamacdaha ka jira Gobolka waxaan filayaa arday badan oo dhigataa in ay jirin, Waxaa loo baahanyahay in laga fakaro qaaka tacliineed aanu hadda ku jirno mayahay mid aan wax kula qeybsan karno dadka ku nool deegaanka? Waxaan filayaa dareenkan aan ka qaatay xaalka aan ku suganahay inaan idnla wadaago bal aad eegtaan arrintan & cawaaqin xumada ay keeneyso?

Walaalayaal madoonayo maqaalkan, xog warankan in uu keeno niyad jab waxaan ola jeedaa in aan idinku baraarujiyo, maxaa yeelay marka aan dhaliilaheyn arango ayaan isbadal sameyn karnaa, markii aan isla qirno in dib udhac jiro ayaan waxbaan qaban karnaa, markii aan ictiraafno in aan ka danbeyno beelaha 20 sano ayaan hormar sameen karnaa.

Talooyin

Warbixintan kooban, ama maqaalkan kooban waxaan ku soo gunaanadayaa talooyinka soo socda:-

      In lahelo macluumaad dheeri oo ku saabsan sababihii keenay dib udhacan baahsan.

      In si qote dheer oo cilmiyeysan loo taxliiliyo

      In guddi ka kooban dhamaan qeybaha bulshada loo saaro, baaritaan ku sameeya arintaan

      In wacyi galin la sameeyo xagga walba leh ( xoogana aan saarna xagga tacliinta)

      In odayaasha/nabadoonadda door muhiim ah ka qaataan hormarka/wacyigalinta beesha

      In Aqoonyahandda oo dhaliisha ogu baddan aan u soo jeedinaayo ay hurdada ka kacaan oo doorkooda.

      In siyaasiyiinta hadda ku matasha beesha masraxyada siyaasadeed ay kaalintooda ka soo baxaan

      In haweenka kaalintooda qaataan

      Ganacsatada si lamid ah doorkooga u qaataan.

Mahadcelin:

Ugu danbeyntii waxaan mahad balaaran u soo jeedinayaa dhamaan cidii utaagan hormarka beesha, anigoo aad u dareesan in ay jiro guux dadku ay wada dareemayaan in beeshu meesha hadda y taagantahay aysan uqalmin, dadbadan waji gabax ku tahay in la xisaabtamaan maamuladda ka jira wadanka, taa soo ay keenatay firfircooni yaridda beesha xagga siyaasadda, dhaqaalaha, hormarka bulshada.

Waxaan aaminsanahay in aan wax kabadali karno muqaalka hadda aan soo sheegay wa hadii aanu la nimaano isbadal dhab ah oo ku qotama walaatinimo & midnimo.

Ilaahay waxaan ka baryayaa in sida kheyrka inA waafujiyo.


Prof. Abdirahman Mohamud abdulle

Vice President, Puntland State University

Garowe, Puntland Somalia


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


FACEBOOK