Xildhibaan Da'ud oo lagu soo dhaweyey Boston iyo Qodobo kasoo baxay shirka + Sawiro

Sunday August 29, 2010 - 12:41:15
1 Comments
7929
Super Admin
Waxaa maanta oo tariikhdu ahayd Sabdti Aug 28, 2010 kadhacay Magaalada Boston Xalfad si heer sare ah loo soo agaasimay taas oo loogu gogal dhigay soo dhaywaynta Xildhibaanka DFKM ee Somaliyeed Mudane Da'ud Abdikariim Sh. Cumar oo safaro ballaaran ku maraya North America iyo Europe.

Xafladaan oo Beel waynta YD si heer sare ah ay usoo camireen uga soo qayb galeen ayaa horay loogu beegay xilliga afurka halkaas oo dhamaan laguwada afuray isla markaana lagu wada tukday maadaama bisha Barakaysan aan dhex bartanka aan ugu jirno. Xafladaan ayaa ahayd mid aysan ukala harin dhamaan qaybaha kala duwan ee beesha hadii ay ahaan lahayd Odayaal, dhalinyaro, Aqoonyahano, Dumarka oo ayagu si aan kala har lahayn usoo camiray.

Nuxurka Xafladan ayaa ahayd soo dhawaynta Mudane Xildhibaan Da'ud Abdikariim oo socdaal dheer uga soo tagay Africa isagoo ujeedadiisu ahayd kashaqaynta horumarinta Beesha YD iyo inuu qurba joogta uu uga warbaxsho xaaladaha kala duwan ee 20 kiisa sano ee lasoo dhaafay lasoo darsay Beesha. Safarkaan kahor ayaa xildhimaanku booqday deegaano badan oo ay beeshu dagto halkaas oo uu kasoo uruurshay xog aad u farabadan uuna xil iskaga saaray inuu lawadaago beelwaynta YD ee qurbaha joogta.

Waxbixinta xildhibaanku baxshay ayaa ku salays nayd dhinacyada Dhaqaalahaiyo maalgashiga wadanka, kulug yeelashada Siyaasada wadanka gaar ahaan tan Puntland iyo Muujinta muuqaalka beeshaee dagaanada. Arimahaas ayuu sheegay xildhibaan Daud inaysan mudnaantooda aan lasiin sidaas darteedna ay beeshu kuwayday xuquuq badan oo maanta kalunsan.Xildhibaanka ayaa qodobaan si tafatiran mid mid warbixin buuxda kasiiyey beel waytii iskugu timid madasha shirrka.

Xildhiban Da'ud Abdikariim ayaanan khudbadiisa ku koobin warbixin kaliya balse waxa uu raacshay Xalka looga bixi karo loogana gudbi karo dib udhaacaas. Hadii aan kasoo qaadano 3 qodob oo kamid ahayd 6 qodob uu soo purpose gareeyey ayaa waxaa kamid ahaa.

a)In laxoojooyo Midnimada Tolwaynha.

b)In Shir wayne ballaaran oo qaaradaha aduunka layskaga imaanayo lagu qabto Somalia

c)In illo dhaqaale laga abuuro wadanka oo Mashruucyo iyo NGOs.

Intaas kadib ayaa waxaa hadalka lawareegay Abdullahi Mohamed Farah ( Ritoos) oo xiriiriyaha Shirka ahaa, waxaa uu si aad ah ugu Mahad celiyey Xildhibaan Daud asagoo yiri "War lahelaa Tallo lahelaa"taasoo ula jeeday in warbixntaas aysan dib ulaabasho aysan lahayn ee loobaahan yahay talo iyo Waxqabad dag dag ah..

Kadib, Waxaa hadalka lagu soo dhaweeyey cuqaashii iyo wax garadkii beesha isku yimid Madasha Shirka, waxaana kamid ahaa Mudane Abdicasiis Nuur Xirsi, Mudane Mohamed adan Dhagawayne, Mudane Mahamud Abdi Gaafaa, Mudane Abdideeq Adan dheere, Mudane Mohamed Abdi Afgaab, Mudane Mohamed Hassan Guray, Marwo Xildhibaan Fadumo Dahir Adan Marwo Caasho Geele Mohamed, Marwo Dr. Siraad Adan. Waxaa sidoo kale hadal wacdi oo Allah is xasuusin ah kasoo jeediyey Abdifatax Kilimbe. Dhamaan waxaa laysku raacay in fadhiga laga kaco iyadoo latixgaliyo Xildhibaan Da'ud iyo safarkiisa uu soo galay arimaha beesha maadaama ay arintaan aad ufarxad galisay qurba joogta.

Qodobada kasoo baxay shirka..

Waxaa # 1 laysku ku raacay in lataageero Dadaalka Xildhibaanku uu dhexda u xirtay hiil iyo hooba. Waxaa kaloo lays ku raacay in lahir galiyo shirwaynaha beesha ee lagu qaban doona Somalia shirkaas oo horay ay usoo jeediyeen aqoonyahano kala duwan xildhibaankuna uu kadhigay inay tahay maanta muqadis in shirkaas oo dhaco si loo soo celiyo midnimada iyo tayada Beelwaynta.

Waxaa goobta lagu doortay Gudi kashaqeeya Arimahaas qeybta Boston, oo kala ah

a)Abdideeq Adan Dheere ~ Gudoomiye

b)Mohamed Hassan Guray ~ Gydoomiye Ku xigeen

c)Muxiyadiin Mohamed Farah ~ Xubin

d)Abdifatax Mahamed Yusuf( Kilimbe) ~ Xubin

e)Abdullahi Mohamed Afgaab ~ Xubin

f)Luul Yusuf Hassan (Dhuux )~ Xubin

g)Sahro Idiris Cumar- Qoslaaye ~ Xubin

Gudigaan ayaa Kalsooni buuxda lagu siiyey inay dardar galiyaan dhamaan baahida taagan ayagoo sigaar ahnna iskugu daba ridaya Reer Boston islamaraana lashaqayn doona dhamaan gudiyada Gobaladda kale iyo qaaradahaba.

Shirkaan ayaan run ahaantii wuxuu ahaa mid xiiso galiyey dhamaan dadwaynihii kasoo qayb galay Waxayna ku tilmaameen mid miro dhal marka la eego Xildhibaan Da'ud oo safar dheer usoo galay arimaha Beesha iyo Gudiga wax ku oolka ah ee mesha loogu caleemo saaray.

Xildhibaan Da'ud ayaa safarkiisa xiga ku aadan yahay Magaalada Minneapolis ee Gobalka Minnesota isagoo Hadii Allah idmo laciidi doona Reer Minneapolis.

Kala soco Xaarxaar Oline Dhamaan Socdaaladaa Xildhibaan Da'ud annagoo idiin balan qaadanaya inaan idin soo gudbino Maqal iyo muqaalba.....


Related Items

Comments


Leave a comment