ASTAAMAHA MAALINTA QIYAAMAHA LAGU GARTO

Sunday October 10, 2010 - 20:06:34
0 Comments
10655
Super Admin

Cabdillaahi Ibnu Cabbaas (RC) Wuxuu yidhi:

Nebi Muxammed (NNKH) markii uu dhamaystay Xajkiisii ugu dambeeyey oo ku beegnayd sannaddii 10aad ee Hijriyada ayuu hor istaagey Irridda laga galo Kacbada barakeysan isagoo gacanta ku haya Furihii Albaabkaas, Isla markaana wuxuu Asxaabtii ku ydhi:-

MA IDIIN SHEEGAA ASTAAMAHA MAALINTA QIYAAMAHA LAGU GARTO?

Salmaan Faarisi oo ka mid ah ahaa Asxaabta isla markaana taagnaa meel u dhow nebiga CSW ayaa yidhi:- Haa Yaa Rasuulu Allah CSW noo sheeg'
Rasuulka ayaa markaa yidhi:- ' Xaqiiqo ahaan, Astaamaha lagu garto inay soo dhowaatey saacaddii Qiyaame waxaa ka mid ah:-

  • Inay dadku Salaadda dhayalsadaan ama ay sahashadaan ama ay fududaystaan.
  • Dadku waxay u hoggaansami doonaan hawadooda ama shahwaadkooda ama waxa ay naftoodu jeceshahay.
  • Waxay ku dadaali doonaan inay naftooda uun u roonaadaan, Waxayna aad u xushmayn doonaan dadka maalqabeenka ah.
  • Waxay iibsan doonaan diintooda iyagoo ku bedelanaya aduunyo.
  • Waqtigaasi la joogo ruuxa iyo qalbiga muuminka ah waxay noqon doonaan kuwo murugo darteed u milma, sida milixda ama cusbada ay ugu milanto biyaha, Waayo Muuminku waxaa uu arki doonaa waxyaabo la xaaraantimeeyey oo lagu dhaqmayo ama la xalaashanayo mana awoodi karo inuu wax ka beddelo.

    Salmaan ayaa markaa yiri:- Waxaasi ma dhici doonaan:- Yaa Rasuulu Allaah "CSW"?
    Rasuulka "CSW" ayaa yiri:- Haa! waxaan ku dhaaranayaa Rabbiga ay nafteyda ay gacantiisa ku jirto'e, isagoo raaciyey:
  • Waqtigaasi kuwa xukunka haya waa kuwo daallimiin ah, Wasiirraduna waxay noqon doonaan kuwo caasiyiin ah, kuwa xilalka loo dhiibo ee ammaanada lagu aamminaa waxay noqon doonaan kuwo wax khiyaameeya.
  • Xaqiiqdii wakhtigaas xumaanta waxaa loo arki doonaa wanaag, wanaaggana waxaa loo arki doonaa xumaan.
  • Kuwa wax khiyaameeya waxaa loo arki doonaa kuwo aammin ah, Kuwa aamminka ahna waxaa loo arki doonaa inay wax khiyaameeyaan. Kan beenta sheegana waa la aammini doonaa, Halka kan runta sheegaya loo arki doono inuu beenaale yahay.
  • Waqtigaas waxaa kale oo jiri doona maamullo ay haween ka taliyaan.
  • Khiyaamada ama in wax la is daba mariyo waxaa loo arki doonaa ilbaxnimo.
  • Zakada bixinteeda waxaa loo arki doonaa sida iyadoo qofka lagu soo rogey inuu bixiyo ganaax.
  • Hantida ummaduna waxay noqon doontaa sida hanti u ruux si gaar ah u leeyahay oo kale.
  • Ruuxu waxaa uu kibir kula dhaqmayaa waalidkiisa, Waxaana uu si wanaagsan ula dhaqmayaa saaxibbadiis.
  • Xiligaasi waxaa la arki doonaa xiddigo gadaal ka jiidan (comets).

Salmaan ayaa markaa yiri:- Waxaasi ma dhici doonaan, Yaa Rasuulu Allah CSW?
Rasuulka CSW ayaa yidhi:- Haa waxaan ku dhaaranayaa Rabbiga ay naftayda gacantiisa ku jirto'e, isagoo raaciyey

Salmaanow!

  • Waqtigaasi haweenku waxay ganacsiga kula shirkoobi doonaan raggooda.
  • Roobka di'i doona waxaa uu noqon doonaa mid kuleyl wata.
  • Dadka wanaagsani waxay noqon doonaan kuwo murugeysan, masaakiintuna waxay noqon doonaan kuwo aan la xushmayn

Waxaana jiri doona oo kale suuqyo isku dhow, Waxaana ganacsatada sida aadka isugu dhow uu mid kasta odhan doonaa, Anigu waxba ma aan iibin, Kan kalena wuxuu odhan doonaa anigu wax faa'iido ah ma aan helin. Sidaa darteed ma waayi doontid qof Ilaah u cabanaya Subxaanahu watacaalaa.

Salmaanow!

  • Waxaa dhici doonta inay dadku haddii ay ka hadlaan arrimaha dadka talada haya, Waxay la kulmi doonaan dil, Haddii ay aamusaanna waxaa khasab lagaga qaadi doonaa hantidooda, Wax xushamd ahna lama siin doono, Dhiiggooda ayaa la daadin doonaa, dadkana quluubtooda waxaa ka buuxsami doona cabsi, mana arki doontid ruux, Haddiise aad aragtidba ruuxaasi wuxuu noqon doonaa mid aad u baqaya, isla markaana la argagax geliyey.
  • Shaki la'aan Salmaanow, Waxaa jiri doona waxyaabo laga keeni doono Bariga iyo kuwo laga keeni doono Galbeedka, waxaana halkaa ku ba'ay kuwa iimaankoodu uu daciifka yahay ee ummaddayda ka tirsan. Dadku waxay noqon doonaan kuwo aan isu naxariisan oo aan is cafiyin, Jidhkoodu waa jidh banii'aadam, Laakiin quluubtoodu waxay noqonaysaa quluub sheydaan.

Salmaanow!

  • Waqtigaasi raggu waxay haweysan doonaan rag kale, haweenkuna waxa ay sidoo kale haweysan doonaan haween kale.
  • Wiilasha yaryarka ahna waxaa loo isticmaali doonaa sida haweenka oo kale.
  • Raggu waxay isku ekeysiin doonaan haweenka, haweenkuna waxay isu ekeysiin doonaan raga oo kale.
  • Waxayna taasi horseedi doontaa inuu Ilaah naclado haweenka ummaddeyda ka tirsan.
  • Masaajiddada waxaa lagu xardhi doonaa Dahab, iyo wixii la mid ah, si la mid ah sida loo xardho kaniisadaha iyo goobaha ay ku cibaadeystaan Yuhuuddu.
  • Qur'aanka waxaa lagu xardhi doonaa nakhshado iyo midabbo ku soo jiidanaya, iwm.
  • Minaaradaha masaajiddu waxay noqon doonaan kuwo aad u dhaadheer, Safafka dadka salaadda ku jira waxay noqon doonaan kuwo badan, Laakiin dadkaasi quluubtoodu iskuma fiicna, Hadaladooduna waa kuwo is khilaafsan.
  • Waqtigaasi raggu waxay isticmaali doonaan dahabka oo ay xarrago ahaan u xidhan doonaan, Waxay kaloo xidhan doonaan xariirta, Isla markaana waxaa kale oo ay isticmaali doonaan haragga Shabeelka.
  • Waqtigaasi waxaa jiri doonta ribo dadkuna waxay sameyn doonaan ganacsi iyagoo isku eedeynaya laaluusha.
  • Dadku diinta ayeey dhulka dhigi doonaan, Dunidana kor baa loo qaadi doonaa.
  • Waqtigaasi waxaa badan doona furriinka ragga iyo haweenka.
  • Xuduudaha Rabbina waxay noqon doonaan kuwo aan la dhowrin.
  • Laakiin taasi mid Allah Subxaanahu Watacaalaa wax u dhimeysa maaha.
  • Waxaa soo bixi doona haween heesa iyo aalado muusik ah.
  • Kuwa ugu xunna waxay u talin doonaa ummaddayda.
  • Waqtigaasi dadka maalqabeenka ah ee ka tirsan ummadayda waxay Xajka u tegi doonaan sida iyagoo booqsaho ama socdaal caadi ah ku jira oo kale iyagoo ay weheliyaan ganacsato meel dhexaad ah, masaakiintuna waxay u tegi doonaan is tustus.
  • Waxaa soo bixi doona dad baran doona Qur'aanka kariimka ah, badibase ujeeddadoodu maaha Allaah dartiis, Waxayna Qur'aanka ka dhigan doonaan sida aaladda muusik ah.
  • Waxaa kale oo jiri doona dad diinta baran doona oo iyaguna aan Allaah dartiis sidaas u samayneyn.
  • Waxaa badan doona tirada carruurta aan sida sharciga ah ku dhalan.
  • Dadku waxay isku qaadi doonaan weerraro adduunyo caydhsasho awgeed.

Salmaanow!

  • Waxani oo dhammi waxay dhaci doonaan, Mar xushmaddii ay suushey, dunuub badanna la geli doono, dadka xun xun ay u talinayaan amaba ay korka ka haystaan kuwa wanaagsan.
  • Beenta ayaa faafi doonta, waxaana dhici doona cay iyo doodo hadalo la isku dhaafsado.
  • Miskiinnimada ayaa iyana baahi doonta.
  • Dadku waxay isugu faani doonaan lebbiskooda.
  • Waxaa di'i doona roobab aan waqtigooda la gaadhin.
  • Dadku waxay waqtigaasi cayaari doonaan khammaar iyo muusik.
  • Dadku ma jecleysan doonaan inay wanaagga is faraan, xumaantana iska reebaan.
  • Qofka Mu'mika ah xishamadiisa waxay noqon mid aad u hooseysa marka la barbardhigo xitaa dadka ka shaqeeya guryaha.

Ka Faa'iidayso walaalkeyga muslimka ahow, ugana faa'iidee malaayiinta muslimiinta soomaaliyeed adigoo u wada diraya dhamaan inta kugu jirta amaa aad garanayso emails-kooda Allaah ayaa kaa abaal marin doona inshaa allaah.

Allaa Mahadleh

Abdi Kamil:abdikamil@hotmail.com

Related Items


Leave a comment