Go'aamadii ka soo baxay shirkii xaar xaar & Baaq loo jeediyay jaaliyadda dibada ee beesha YD

Tuesday October 12, 2010 - 11:46:26
0 Comments
1777
Super Admin
Kulan weyn oo aad loo soo agaasimay ayaa waxaa uu kadhacay deegaanka xaarxaar taariikhdu marka ay aheyd 12 September, kulan waxaa qabanqaabiyey aqoonyahono, siyaasiyiin iyo wax garad ka tirsan beesha Yuusuf Daarood. Kulanka waxaa ka soo qeeybgalay wufuud kakala socoto gobolada Puntland gaar ahaan Magaalooyinka Bosaso, Garoowe, Galkacyo iyo Burtinle. Waxaa ka mid ahaa wuufuudaas: Ugaaska beesha,ugaas Cumer Geel Muxammad, Suldaan Moxammad Axmad Cabdulle(Burtinle) , dhamaan nabadoonada beesha Yuusuf Darood , siyaasiyiin ka tirsan Maamulka Puntland,xubno aqoonyahanka beesha ka mid ah iyo dadweyne.
Kulanku wuxuu ahaa mid taariikhi marka laga eego dhinacyada:kasoo qayb galka,xamaaska, mawaadiicda laga hadlay iyo midnimada.Kulanka waxaa lagaga hadlay barnaamijo kala duwan oo ku saabsan dhinacyada hormarka iyo adeegyada sida; waxbarashada, dhaqaalaha,caafimaadka, amaanka iyo Midnimada beesha.

Waxaa kulanka furay suldaanka beesha oo hadal kooban oo qiima leh jeediayay, wuxuu amaan u jeediyay qabanqaabiyaasha shirka, wuxuu tilamaayay in la badiyo kulamada noocan oo kale ah, wuxuu hoosta ka xariiqay baahida loo qabo midnimada iyo hormarka beesha, wuxuu kaloo cadeeyay in Isimmada beeshu diyaar la yihiin dawrkooda ku aadan horumarinta beesha.

Waxaa xog waran laga dhageestay Guddigii aqoonyahanka ahaa ee qaabilsanaa dhismaha iskuulka, heerarka uu soo maray waxa u hagaagay caqabadaha jira iyo waxa ka dhiman, waxaa kaloo ay sheegeen in iskuulka qarashaad lagu leeyahay loona baahnayahay in la baxsho loona dhameestiro waxyaabaha ka dhiman.

Guddiga dhismaha iskuulku waxay ku warbixiyeen sedan hoose:

1.Iskuulku wuxuu ka kooban yahay 3 fasal iyo hal xafiis.

2. Waxaa ku baxay kharaj dhan$ 17600.

3.Qorbajoogta beeshu waxay bixisay$ 12000.

4.Waxaa lagu leeyahay lacag dhan $5600

Masjidka waxaa dhistay hay’ad khayri(Manhal) ah wuxuu ka kooban yahay:

1.Masjid ay markii ku tukan karaan 200 ilaa 300 qof.

2.2 fasal oo dugsi Qur’aan loogu tala galay.

3.Kharajka galay wuxuu le’ekyahay kan iskuulka $ 17600(UD$)

Dhulka iskuulku weli waxaa ka bannaan dhul badan oo laga dhisi karo dhismayaal kale sida: fasallo kale,qolol jiif, kitjin iyo musqullo iwm, waana hawl u taal beelweynta YD.

Mudanayaal iyo marwooyin deegaanka Xaarxaar kama turjumi karo magaca iyo muuqaalka beesha sidaa darteed waa in degdeg loo horumariyo gaar ahaan adeegyada asaasiga ah ee magaalo saldhig u noqon kara(Waxbarashada,Caafimaadka,Biyaha,Nadaafadda,Amniga iyo Qorshaha magaalaynta)

Waxaa kaloo halkaa kahadlay Nabadoono kaladuwan, odayaal ka tirsan beesha iyo waxgarad, waxay dhamman ka midaysnaayeen midnimada beesha iyo horumarinta danaha beesha,waxay codsadeen in laga gudbo khilaafaadka beesha dhexdeeda wixii ka harsanna la dhammeyo,ugu dambayn waxaa baaqu ahaa in laga wada qayb qaato horumarinta deegaan debed iyo gudaba.

Waxaa kale oo goobta ka hadlaywasiirka iyo xilidhibaanka beesha ugu jira maamulka Puntland(Mudane Cusman Cawad iyo Mudane Axmd Jaamac), waxayna beesha la qaybsanayeen mowqifka midnimo iyo horumar ee beeshu qabtay.

Waxaa shirka soo gabagabeeyey Ugaaska beesha :Ugaas Cumar Geelle Moxammad.

Ugaasku wuxuu beesha ugu baaqay uguna duceeyey qoddobo ay ka mid yihiin :

1. Midnimo.

2. Horumar

3. Niyad wanaag

4. Iyo Iscafin.

Shirku wuxuu ku soo dhammaday guul iyo farxad aad u sarraysa oo aan dadka soo marin iyada oo kale taariikhihii dambeeyey ee burburka,waxaan beesha u rajaynaynaa guul iyo horumar.

Go’aamada Shirka Xaarxaar:-

1. Hormarinta waxbrashada:-

In la magacaabo guddi:

a) Waxbarsho oo ka kooban waxgradka deeganka, (Xaarxaar) Aqoonyahano iyo nabadoono kormeera habsami u socodka hawlaha iskuulka iyo dhammaystirka baahiyaha iskuulka

b) Ka talo bixiya da’ yarta waxbaran karta tirokoob kabacdi.

c) Ka tala bixiyo samaynta xarun farsamo oo lagu tababaro dhalinyarta dhaaftay heerarka waxbarashada asaasiga isla markaana shaqala’aantu hayso.

2. Hormarinta bulshadda:-

In la magacaabo guddi:

a) Dabagal iyo turxaan bixin ku sameeya khilaafaadka gudaha oo ka kooban aqoonyahan , nabadoon iyo mas’uuliin.

b) Wacyi gelin,xiriirin gudaha iyo debedda,la dagaalama dhaqamada xunxun lana taliya Isimadda beesha.

c) Dejiya qorshayaasha horumarineed ee beesha xilliyada dhow,dhexe iyo fog yoolalka mustaqbal ee la higsannayo

3.Horumarinta deegaanka:

a) In loo sameeyo naqshad leh qaab magaalo, lagana baaraandego sida ugubilic fiican magaalo leh, wadooyin ay ku cad yihiin dhammaan xarumaha muhiimka u ah magaalosida:

· Xarumaha caafimaadka

· Xarumaha waxbarashada

· Xarumaha suuqa

· Xarumaha amniga

· Xarunta weyn ee maamulka degmada/deegaanka.

· Biyaha iyo Nadaafadda

4. Jaaliyadda Dibada:

Mar haddii debedda wadanka ay ku nooshahay jaaliyad ballaar ee beesha YD,kuwaas oo leh takhasusaad kala duwan,waayo aragnimo badan oo ay kasbadeen intay qurbaha joogeen iyo ka horba,mar haddii ay jiraan hantilayaal waxtar ka gaysan kara horumarinta beesha gudaha,waxaa loogu baaqayaa dhammaan xubnaha jaaliyadda beesha YD ee debedda ku nool salaam kadibqoddobadda soo socda:

1. Inay baraarugaan,hurdada ka kacaan ,yeeshaan himad sare

2. Inay ka qay qaataan horumarinta deegaanka beesha ee gudaha wadanka Soomaaliya tallo iyo tamar qof waliba miduu karo.

3. Inay ka shaqeeyaan sidii beesha loo midayn lahaa gude iyo debed.

4. Inay ka qayb qaataan sidii beeshu u yeelan lahayd barnaamij horumarineed oo cilmiyaysan.

.

Talo soo jeedin :

Waxaa walaalaha qaar ka mid ahi soo jeediyeen in la sameeyo guddiyan hoose ayna ka wada shaqeeyaan gudaha iyo debedda ,marka waxay iila muuqataa in laga wada tashado ambaqaadkooda ,qaybaha gudaha waxay ula muuqataa in loo baahan yahay guddiyadaan ,qaybta debeddana ra’yigooda ha ku daraan,hana la faahfaahiyo shaqooyinkooda.

Number/Tirada

Magaca Gudiga

1.

Gudiga Arimaha Bulshada iyo Qorshaynta baahiyaha

2.

Gudiga Dhaqanka iyo Xalinta khilaafaadka

3.

Gudiga Siyaasada

4.

Gudiga Ganacsiga

Salaan gudaha wadanka ka timid guddooma dhammaantiin.

Giddiga qaban qaabada shirka beesha ee xaraar;

wixii talo ah ama tusaale ah

ilkadhagax@hotmail.com

Related Items


Leave a comment