Xildhiban Da'ud oo Socdaalkiisii waqoyiga America kusoo gaba-gabeeyey Gobalka California

Wednesday November 17, 2010 - 09:34:20
1 Comments
4321
Super Admin
Xildhibaan Daa’uud C/kariim Sh. Cumar oo booqashadiisii magaalada San Diego ee gobolka California kusoo beegantey maalintii Axadda bishuna ay ahayd 11/07/2010.

Xildhibaanka oo halkaas ku qabtey shirkii afaraad ee ka dhaca waqooyiga Amerika kulana kulmey Dhalinta, odayaasha waxgaradka ah iyo waliba marwooyinka beesha Y.D. Xildhibaan Daa’uud oo shirkaas kaga Hadley arimo wax ku ool ah oo ay u baahnaayeen beesha wax ka ogaanshaheeda.

Ereyadii xildhibaanka ayaa ahaa kuwo aad iyo aad uga baahi tiray qurba joogta beesha baahidey u qabeen wax ka ogaanshaha dhulkeeni hooyo.Qodobadii ugu muhiimsanaa shirka ayaa kamid ahaa.Sidii deegaanka beesha horumar loo gaarsiin lahaa.

In dadka qurbaha jooga ay yihiin iftiinkii ifin lahaa waddankeeni hooyo.In iskuduubnaanta iyo midnimadu ay tahay midda kaliya ee na gaarsiin karta heerar sare.In xaga gacansiga iyo dhaqaalaha lagu dadaalo.

Waliba intaa kuma uu ekaanin Xildhibaanku wuxuu baraarujin usoo jeediyey dhalinta qurbaha joogta iney ka faaiideystaan fursadda ay heystaan illeen iyagaa eh aayihii dhulkeena.

Munaasabada Shirka ayaa waxaa lagu dooraty xubno gudi ah oo kakooban lix kawaas oo dardar galin doona adeegyada beesha ee Magalaada San Deigo isla markaana lashaqayn doona xubnaha gudiyada kala duwan ee Gobalada Xildhibaan Da'ud booqday laga sameeyey

Guddiga La Doortey oo ay Magacyadoodu Kala Yihiiin

  1. C/qaadir Sheekh Aadan Gudoomiye
  2. C/rashiid Aadan Goos Kuxigeen
  3. Maxamuud Sheek Xoghayn
  4. Maxamed Xaaji Faarax Xubin
  5. Bagaaje Cumar Xubin
  6. Siciido Yuusuf Xubin
Sawirada.











Amran Dawo iyo Ahmed Farah
San Deigo California

Related Items

Comments


Leave a comment