Diinta Islaamka Maxay ka Qabtaa Dabaaldaga Maalinta Jacaylka Aduunka?

Wednesday February 16, 2011 - 04:44:43
0 Comments
7453
Super Admin

Waxaa naxdin ah in maalinta taarikhdu tahay 14 ee bishaanee ku beegan maalinta isniinta aydad Muslimiin ah ay xusayaan Baadari Christan ah geeridiisa iyo Wax ay caabudi jireen Roman kii hore!. Waxaan galaynaa meel walba oo ay gaaladu galaan waxaana samaynaynaa wax walba oo ay gaaladu sameeyaan, xataa waxaan la galnay cibaadadoodii iyo xusaskoodii ay ku waynaynayeen dad ama wax ay caabudi jireen.

Hadaba waxaa loo baahan yahay in aan iska fiirino oo aan wax aqrino, waa inaan ogaanaa waxa aan sameyneyno waa maxay? diintu maxay ka leedahay? yaana noo keenay?.

Qoraalkaan waxaan ku sharixi doonaa waxuu yahay Valentine's& halku kaso bilowday& diintu waxa ay ka qabto.

Asalka Valentine's Day ama maalinta jacaylka aduunka
Marwalba oo ay taariikhdu ku beegantahay 14 February waxa dunida gaalada looga dabaal dagaa maalin loogu magac daray St. Valentine (Valentine's Day) ama Maalinta Jacaylka, laakin waxaa iswaydiin mudan waa kuma ninkaasi? Maxaana loogu dabaaldagaa maalintaas & magiciisa Valentine maxaa keenay?

Valentine's Day ama Maalinta Jacaylka waa xasuus ama xus la xuso Christian (Kirishtan) iyo Roman —kii hore. Marka aan isweydiinno kumuu ahaa Saint Valentine, muxuuna ugu xiran yahay xuskaas diimeed?

Maalintaas waxay bilaabatay xilligii boqortooyada Roman ka. Romain kii hore, 14th Ferbruary waxay u ahayd maalin ay weyneeyaan Juno. Juno waxay ahayd boqorad kamid ah Ilaahyada Romanka. Romans ka waxay kaloo u aqoonsanaayeen Juno ilaaha haweenka& guurka, maalinta ku xigta oo ah ,15th Feb, waxaa bilowda xuska Lupercalia oo isna ahaa wax ay caabudi jireen.

*Taariikhda Valentine's Day*

Nolosha wiilasha& gabdhaha waa ay kala fogayd xilligaas, wax yar ka hor u dabaaldagida Lupercalia magacyada gabdhaha Roman ka waxaa lagu qori jiray warqado isla markaana waxaa lagu dhajin jiray sabuurad, wiilasha dhalinyarada ah waxay ka dooranaayaan gabadha ay rabaan waxayna haysanayaan inta uu socdo dabaaldagaas, markaas kadib ayaa laga yaabaa inay ilmo ka dhex dhashaan oo ay kadib is jeclaadaan ama is guursadaan.

Maamulka boqortooyadii la oran jiray Emperor Claudius II Rome wuxuu gali jiray dagaallo dhiig badan uu ku daato. Boqor ka Claudius wuxuu ku dhibanaa in uu helo askar si uu u xoojiyo milatarigiisa iyo dagaalada uu galayo, wuxuu rumaysnaa in aynan nimanka Romans ka aynan rabin inay ka tagaan jeceelkooda& qoysaskooda, boqorkii Claudius wuxuu ka joojiyay boqortooyadii Rome guurkii oo dhan wuuxuna mamnuucay in la isguursado si ninku unaan u yeelan qof uu ku xirnaado.

Valentine xiligaas wuxu ahaa wasiir dhinaca kaniisadaha& diinta kana tirsanaa dowladii Claudius II. Isaga iyo Saint Marius waxay taageereen dhibanayaashii Christian (Kirishtanka) ahaa oo loo diiday guurka, dhowr qofna si qarsoodi ah ayay isugu dareen, arintaas daradeed Saint Valentine
waa laqabtay waa la xiray waana la garaacayay ilaa uu ka dhinto.

14th February ayaa waxaa dhintay Saint Valentine, sanadkiisii 270. Taariiqdaas Rome waxay ka noqotay mid khaas ah oo la xuso sanad walba bisha February (Lupercalis), waana la faafiyay ayadoo lagu waynaynayo waxa ay ku sheegaan ilaaha Lupercalis.

Madahibta Protestan (Protestant Christian Church) ka ee Rome waxay iyadana dooratay ama aqoonsatay Saint Valentine's Day (Maalinta Jacaylka Aduunka) in la dabaaldago sanad walba 14th February.

Hadaba walaalayaa diintu maxay ka qabtaa dabaaldaga maalintaa
ولم يقر النبي صلى الله عليه وسلم أعياد الكفار وأعيادالجاهلية، فعن أنس رضي
الله عنه قال: قدم رسول الله صلى الله عليه وسلم المدينةولهم يومان يلعبون
فيهما فقال: "ما هذان اليومان؟ قالوا: كنا نلعب فيهما فيالجاهلية. فقال رسول
الله صلى الله عليه وسلم: "إن الله قد أبدلكم بهما خيراًمنهما: يوم الأضحى
ويوم الفطر" رواه أبو داودوالنسائي.

Kafaaidaysi wacn

Cumar Hanti

Related Items


Leave a comment