XALKA KHILAAFKIINNA U MARA KITAABKA ALLE IYO SUNNADA RASUULK

Saturday May 12, 2012 - 17:28:55
0 Comments
5072
Super Admin

Walaalayaal adduunku wuxuu ka kooban yahay wax Alle abuuray oo isaga ka soo jeeda waana wax kasta oo addoomadiisa u leh khayr iyo wax shaydaanku abuurtay oo ah wax kasta oo xun adduunka oo dhanna u ah shar ee aan wax khayr ah lahayn. Haddii aan wax yar ku joogsado shaydaanka waxaan doonayaa in aad is weydiisaan muxuu yahay shaydaanku? Sida Qoraanka Alle noogu sheegay waxaa jira shaydaan aadami ah iyo mid jin ah ah waana labada keliya ee Alle ka dhigay caaqilka kana ah masuulka ficilkooda lagulana xisaabtami doono maalinka qiyaame ee xisaabka la taagan yahay la isna abaal marinayo. Waana dadka aadamiga ah iyo jinka kuwa gefa ama diida amaradiisa. Jinku wuxuu ka soo farcamay Ibliis gaalo iyo muslimbana waa lee yihiin dadkuna Aadam isaguna gaal iyo muslim ayuu u kala baxaa. Sidaas darteed waxaan lee yahay in shaydaanku ku xidhan yahay caqliga. Haddii qofkii miyirkiisa qabay uu waasho shaydaan ma duufsado markii uu caqligii dib ugu soo laabtana shaydaankii ayaa ku soo laabtay. Marka shaydaanka iyo garaadka ama caqliga labo aan shaqo isku lahayn lagama dhigi karo, balse waxaa la moodaa in ay hal isku yihiin. Rasuulkana scw waxaa ka sugnaaday xadiiskan hoos ku xusan ee uu lee yahay shaydaanku sida uu dhiiggu jidhka aadamiga ugu wareego ayuu isaguna ugu wareegaa …

أَخْبَرَنَا مُحَمَّدُ بْنُ الْعَلَاءِ حَدَّثَنَا أَبُو أُسَامَةَ عَنْ مُجَالِدٍ عَنْ عَامِرٍ عَنْ جَابِرٍ قَالَ وَرُبَّمَا سَكَتَ عَنْ جَابِرٍ قَالَ قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ لَا تَدْخُلُوا عَلَى الْمُغِيبَاتِ فَإِنَّ الشَّيْطَانَ يَجْرِي مِنِ ابْنِ آدَمَ كَمَجْرَى الدَّمِ قَالُوا وَمِنْكَ قَالَ نَعَمْ وَلَكِنَّ اللَّهَ أَعَانَنِي عَلَيْهِ فَأَسْلَمُ *

Sidaas darteed shaydaanku waa dadka xun xun ee Alle caasiga ku ah dadka kalena fara xumaanta ee aan marna xagga khayrka kula aadayn.. Haddii aan wax ka taabto shaydaanka ama garaadka ayaa bilaabay in uu wax dilo, sinaysto, xado, rag rag wax u doonto naagina naag wax u doonato, laakiin ma aha wax uu Alle ku talo galay oo isagu abuuray. Waxaan marka dhihi karaa xumaanta maanta adduunka daafaheeda oo dhan ka dhacaysa Alle csj shaqo kuma laha ee shaydaanka aadamiga ah ayaa ka dambeeya oo abuuray iskana leh, cid walibana wixii ay abuurtay iyada ayaa iska leh qiyaamahana la shir tegeysa. Marka waa in la garto in shaydaanku uu maskaxda la faqo qofkii qaata faqiisuna yahay shaydaan.


Markii dembi la galo ayaa ciqaab ka tolmaa, marka dembiyada aan tirada alahayn ee aadamigu ku sugan yahay habeen iyo maalin ee aan kala go’a lahayn waxaa ka dhashay ciqaabyo la kala garan la’ yahay dembiga sababay. Wuxuu Allena noo sheegay in qofku wixii uu isagu samaystay ama abuurtay uu iska lee yahay وَأَنْ لَيْسَ لِلْإِنْسَانِ إِلَّا مَا سَعَى(النجم 39), marka ma jiro wanaag uu Alle abuuray mooyee wanaag garaad keenay ama abuuray. Wixii xun oo dhan garaad ayuu ka soo fulay oo abuuray Allena shaqo kuma laha. Wuxuu kale oo Alle nooga digayaa in aynu ku dayano shaydaanka oo wixii uu samaynayo ama isagu adduunka ku soo kordhiyey aynaan la qaadan oo kaga dayan.

يَاأَيُّهَا الَّذِينَ ءَامَنُوا لَا تَتَّبِعُوا خُطُوَاتِ الشَّيْطَانِ وَمَنْ يَتَّبِعْ خُطُوَاتِ الشَّيْطَانِ فَإِنَّهُ يَأْمُرُ بِالْفَحْشَاءِ وَالْمُنْكَرِ وَلَوْلَا فَضْلُ اللَّهِ عَلَيْكُمْ وَرَحْمَتُهُ مَا زَكَا مِنْكُمْ مِنْ أَحَدٍ أَبَدًا وَلَكِنَّ اللَّهَ يُزَكِّي مَنْ يَشَاءُ وَاللَّهُ سَمِيعٌ عَلِيمٌ(النور 21).

Kuwa rumeeyaw ha marina jidka shaydaanka waayo kiin jidka shaydaanka qaada wuxuu farayaa dembiyada kuwooda ugu xun xun iyo in uu xaqa oo dhan dafiro, haddii aanay ahaan lahayn deeqda iyo naxariista Alle idinku mannaystay ruux idinka mid ahi ma dembi la’aadeen hase yeeshee Alle ayaa ruuxii uu doono ka dhiga dembi laawe, Allena lagama maqal iyo aqoon badna.


Shaydaanka nalooga digayo in aynu ku dayanno waa caqliga ama garaadka waxaana nalaga doonayaa in aynaan yeelin sida aayaddan ku xusan أَرَأَيْتَ مَنِ اتَّخَذَ إِلَهَهُ هَوَاهُ أَفَأَنْتَ تَكُونُ عَلَيْهِ وَكِيلًا(الفرقان 43) macnaheeduna waa sidatan: bal ka warran kuwa Ilaahoodu yahay hawadooda beenta ah, waa kuwa wixii iyaga la qumman sameeya ee aan Alle ka talo qaadan.


Marka haddii uu khilaaf dhaco waxaa Alle noo sheegay in xalku ku jiro kitaabka Alle iyo sunnadii rasuulka oo dib loogu laabto. Waxayna si cad aayaddu u sheegaysaa in ay dadka mu’miniinta ahi ogolaadaan Alle iyo rasuulkiisa iyo madaxda iyaga ka midka ah oo loola jeedo iyagu magacawdeen, marka haddii aad wax isku qabataan ula laabta Alle iyo rasuulkiisa haddii aad tihiin kuwo rumaysan Alle iyo maalinka xisaabka qiyaame sidaas ayaa xaq ah idiinna khayr badan.

يَاأَيُّهَا الَّذِينَ ءَامَنُوا أَطِيعُوا اللَّهَ وَأَطِيعُوا الرَّسُولَ وَأُولِي الْأَمْرِ مِنْكُمْ فَإِنْ تَنَازَعْتُمْ فِي شَيْءٍ فَرُدُّوهُ إِلَى اللَّهِ وَالرَّسُولِ إِنْ كُنْتُمْ تُؤْمِنُونَ بِاللَّهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ ذَلِكَ خَيْرٌ وَأَحْسَنُ تَأْوِيلًا(59).


Haddaba dadka Soomaaliyeed dhibaatada la soo gudboonaatay maanta Alle ma uga talo qaateen mase hawadooda beenta ah ayay allaysteen oo wixii iyaga la qummanaada iyo talo shaydaan ayay ku socdaan, xalse ma ku gaadhayaan? Waxaa isu kay qaban la’ laba shay oo kala ah in ay Soomaalidu jecel yihiin in ay xal u helaan dhibaatooyinka maanta sida gaarka ah u haysta iyo iyaga oo aan xalka ka raadinayn meesha uu ku jiro. Walaalayaal dhibaato kasta oo dhacdaa waa cadaab Alle oo ka dhashay xumaan la sameeyey haddii aan dhibaatada la garan wax keenayna xal looma helo, sidaas darteed waa in dadka Islaamka ahi dhibaato kasta oo ku dhacda keli iyo wadarba ay u arkaan cadaab ka dhashay xumaan ka dhacday markaasna ay xalkeeda u gartaan in uu yahay xumaantii oo la joojiyo wanaagna lagu beddelo.


Waxaa in badan dad Soomaaliyeed oo aqoon yahanno lagu sheegayaa ka hadlaan sida xalka loogu helayo ummadda taas oo ay ku saleeyaan kitaab shaydaan iyo cid wakiil ka ah meeshii ay ku salayn lahaayeen Alle iyo rasuulkiisa. Waxaan arkay ummad Islaam sheeganaysa oo kii afkaas kala qaadaa uu lee yahay beesha caalamku ha na soo gaadho Allena meesha laga saaray oo lagu beddeshay beesha caalamka. Waxaan arkay dalka oo gaalo looga talo qaadanayo meesha Alle iyo rasuulkiisa looga talo qaadan lahaa, sidaas oo ay tahayna la lee yahay xal ayaa loo rabaa.


Sida la wada og yahay wuxuu Alle noo abuuray in aynu caabudno ee nooma abuurin in aynu Soomaaliya ama cid kale nabad u keenno ama dhibaato ka qaadno. Wuxuu Alle rasuulkiisa iyo annagaba noo sheegay sida ku cad aayaddan hoos ku dhigan oo macnaheedu yahay: isuna soo dumi kara qalbigooda haddii aad ku bixisid waxa hanti adduunka yaalla oo dhan adigu isuma soo dumi kartid laakiin Alle ayaa isu soo dumi karaya.

وَأَلَّفَ بَيْنَ قُلُوبِهِمْ لَوْ أَنْفَقْتَ مَا فِي الْأَرْضِ جَمِيعًا مَا أَلَّفْتَ بَيْنَ قُلُوبِهِمْ وَلَكِنَّ اللَّهَ أَلَّفَ بَيْنَهُمْ إِنَّهُ عَزِيزٌ حَكِيمٌ(الأنفال 63).

Sida ka muuqata aayadda macnaheeda dadku awood uma laha ay wax ku sameeyaan, hase yeeshee wuxuu Alle ugu talo galay in ay isaga oo keliya caabudaan ama u hoggaansamaan. Markaas ayuu Allena u ballan qaaday in uu wax kasta siinayo.

وَيَا قَوْمِ اسْتَغْفِرُوا رَبَّكُمْ ثُمَّ تُوبُوا إِلَيْهِ يُرْسِلِ السَّمَاءَ عَلَيْكُمْ مِدْرَارًا وَيَزِدْكُمْ قُوَّةً إِلَى قُوَّتِكُمْ وَلَا تَتَوَلَّوْا مُجْرِمِينَ(هود 52).

Ummadyadiiyey Eebihiin dembi dhaaf weydiista ka dibna xumaanta dhaafa oo isaga u soo noqda wuxuu markaas cirka idiinka soo da’siinayaa roob xoog weyn xooggiinina wuxuu ku kordhinayaa xoog kale dembiilayaashana talo ha u dhiibanina.


Wuxuu kale oo Alle noo sheegay aayaddan kale ee hoos ku dhigan oo macnaheeda oo koobani yahay sidatan: waxaa la idinku waajib yeelay dagaal waadna neceb tihiin dagaalka, waxaana suurto gal ah in aad nacdaan wax khayr idiin ah iyo in aad jeclaataan wax idiin shar ah, wax idiin sharka ah iyo wax khayrka idiin ah Alle ayaa og ee idinku ma ogidin.

كُتِبَ عَلَيْكُمُ الْقِتَالُ وَهُوَ كُرْهٌ لَكُمْ وَعَسَى أَنْ تَكْرَهُوا شَيْئًا وَهُوَ خَيْرٌ لَكُمْ وَعَسَى أَنْ تُحِبُّوا شَيْئًا وَهُوَ شَرٌّ لَكُمْ وَاللَّهُ يَعْلَمُ وَأَنْتُمْ لَا تَعْلَمُونَ(البقرة 216).

Waxaa aayaddan iiga soo baxday in Alle na lee yahay wixii idiin khayr ah aniga ayaa og ee idinku ma ogaan kartiin sidaas darteed aniga iga amar qaata oo waxa aan idin farayo yeela aniguna khayr mooyee wax xun oo dhibaato idin ma tusayo eh.


Marka dadka aan doonayn in ay dhibaatada Soomaalida la hoos galaan Alle waa kuwa Telefishanada habeen iyo maalin ku haya, annaga ayaa Soomaaliya dhibaatada haysata ka saarayna. SUBXAANA LLAAH ma qof aadami ah ayaa waxaas oo kale in uu ku hadlo u bannaan tahay.


GUNAANAD:


Haddii ay jiraan dad rumaysan in waxa dhibaato haysata ummadda Soomaaliyeed aanay ahayn cadaab Alle waa qaldan yihiin ee Alle ha u toobad keeneen. Haddii ay la tahay in ay iyaga iyo beesha caalamku ay dhibaatadaas ummadda ka qaadi karaanna waa gaalnimo ee Alle u toobad keeneen mana ka qaadi karaan Alle la’aantiis. Talooyinka gaalnimada huwanna ha joojiyaan dadkana u tilmaameen in xalka Soomaaliya uu ku jiro kitaabka Alle iyo sunnadii rasuulka oo loo laabto.


Kuwa sidaas rumaysani waa kuwa uu hoggaaminayo Shariif Sh. Ahmed iyo kooxdiisa ashahaado la dirirka ah iyo inta talo ku leh iyo inta qalbiga kala jirta, waxaanna dhammaan ugu baaqayaa in ay Alle u toobad keenaan kuna kalsoonaadaan isaga ayaa xal siin kara iyagana waxaa laga doonayaa in ay sidii Alle u abuurtay in ay caabudaan oo keliya oo wixii uu farayna sameeyaan wixii uu ka reebayna ka hadhaan.


Shabaabta diinta sheeganaysa waxaan iyagana lee yahay kuwa gaalada u ah midiidinka kama duwanidin waxaadna ku socotaan wax uu shaydaanku idiin qurxiyey oo aad idiinku muuqda in aad xaqii ku taagan tihiin, idinka oo diintii Alle si kasta u duminaya uguna tunta xaqiina aan ku socon ee ka fog. Waxaan idiin arkaa in aad hawadiinna iyo waxa aad madaxiinna ka heshaan idinla qumman waxa aad madaxiinna ka heshaanna haddii uusan waafaqsanayn kitaabka Alle iyo sunnadii rasuulka waa wax shaydaan.

فَلَوْلَا إِذْ جَاءَهُمْ بَأْسُنَا تَضَرَّعُوا وَلَكِنْ قَسَتْ قُلُوبُهُمْ وَزَيَّنَ لَهُمُ الشَّيْطَانُ مَا كَانُوا يَعْمَلُونَ(الأنعام 43). تَاللَّهِ لَقَدْ أَرْسَلْنَا إِلَى أُمَمٍ مِنْ قَبْلِكَ فَزَيَّنَ لَهُمُ الشَّيْطَانُ أَعْمَالَهُمْ فَهُوَ وَلِيُّهُمُ الْيَوْمَ وَلَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ(النحل 63). وَجَدْتُهَا وَقَوْمَهَا يَسْجُدُونَ لِلشَّمْسِ مِنْ دُونِ اللَّهِ وَزَيَّنَ لَهُمُ الشَّيْطَانُ أَعْمَالَهُمْ فَصَدَّهُمْ عَنِ السَّبِيلِ فَهُمْ لَا يَهْتَدُونَ(النمل 24).

Dadku waa qof xun oo bareer u diiddan in uu qaato hoggaanka Alle iyo qof isu haysta in uu ku socdoba hoggaankii Alle isaga oo in badan oo ka mid ah weliba aan dhihi karo waa qodobada ugu culculus ku xad gudbaya uuna weli iskula qumman yahay cid walbana u arka in uu isagu ka cilmi iyo caqli badan yahay.


Ummadda Soomaaliyeedna waxaan u sheegayaa kuwa shayaadiinta ah ee isku sheegaya dawladda gaalnimo ayay idiin hor kacayaan ee isaga hadha dastuurka ama aan dhehee diinta cusub ee la idiin hoos gelinayo iska diida. Ummadda diinteedu waa sharciga ay ku dhaqmaan. Ummad waxaa xukuma oo ay caabudaan hadba cidda sharciga u dejisatay ee u talisa. Gunnimadu xukunka aadamiga xataa haddii uu yahay xukun Soomaaliyeed xornimaduna waa xukunka Alle.


Inta uusan gumaysigii reer Yurub noo imaan ayaynu xor ahayn intii ka dambaysayna waxaynu ku jirnay gumaysi ay nagu hayeen ajnebi iyo mid ay nagu hayeen dad Soomaaliyeed oo noo sheeganaya wax dawlo la dhaho.


Waxaan idin lee yahay ka fogaada dawladnimada la idiin wada iyo diinta cusub ee dhista khilaafo Islaami ah.


DIIDA DASTUURKU WAA DIIN CUSUB EH YAANNA LA IDIIN HOOS GELIN.


G/le sare Omer Suleiman Ali29/04/12

Related Items


Leave a comment