Waayo-waayo iyo taariikh xiise leh.

Monday September 17, 2012 - 01:11:00
1 Comments
2568
Super Admin
Waa abaarihii Sanadkii 1972 magaalladu waa Caasimadii Bilicsaneyd ee Xamar, xaafaduhu waa Waaberi & Hodan, Dugsiguna waa Dugsi markaas cusub oo hal sano uun dhisan waa Dugsiga 21 oktoobar oo la furay sannadkii 1971 waxaana dhisay ururka Midowga yurub sida uu u dhisay 15 May & General Daaud ba.

Ostan wuxuu degan yahay xaafadda waaberi siiba 1da Maajo , Masaajidka Muuse Boqor agtiisa wuxuuna dhigtaa Dugsiga 21 oktoobar, fasalka 6 C waa arday ciyaar iyo istustus badan walow uu ku fiican yahay waxbarashada, wuxuu ka mid yahay ardeyda fasalka kicisa haddana dajisana, ardayda gabdhaha la fara ciyaarta kana ag fogaanin.

Ostan wuxuu ka soo jeedaa Qoys Faqiirah Aabihiis waa waardiye hooyadiisna ma shaqeyso, labo walaaladiis ah oo ka waaweyn waa caseeyayaal.

Ostan waa wiilka kaliya ah ee Dugsi ka aada Qoyskaas aad baana loogu hanweyn yahay.

Maryan waxay degan tahay Xaafadda Hodan siiba Qeybta loo yaqaano Kuwaarto, Maqaasiinka Cali Dhuxule agtiisa, ayaduna waxay dhigataa ooy isku fasal yihiin Ostan ,fasalka 6 C ee Dugsiga 21 oktoobar.

Maryan waxay ka dhalatay qoys Dhexdhexaad ah Gurigoodu waa sar Dhowr Qol ah , aabaheed iyo wallaaladeedba qaar baa shaqeeya waa reer dhexdhexaad ah.

Maryan waa gabar gaaban se qurux badan oo soo jiidasho leh magaceeda waa lagu hadaaqaa aad baana fasalka looga qadariyaa.

Ostan Maryan reerkooda wuu yaqanaa oo mar uu asaguna deganaa Kuwaarto ayey wallalkeed isku Dugsi Quraan ahaayeen, se haatan ma xasuusto sida uu ku bartay maryan in ay la dhalatay Cali oo yaraantoodii ay isla dhigan jireen Dugsiga Macallin Baay dheere.

Taas macnaheedu waa Ostan Maryan wuxuu kula kulmay oo kaliya fasalka 6 C ee horay uma aqoonin waagiisii hore uu deganaa Kuwaarto.

Maalin Maalmaha ka mid ah ayaa fasalkii la isla dhex maray in markuu fasalku dhamaado ay kala reebta isla tagayaan muunye iyo Ahmed, sidii bayna u dhacday oo xataa gabdhihii ayaa dagaalkii in ay fiirsadaan u soo baxay.Ostan iyo maryan isku meel bay filimka ka daawanayeen markaas bay ku tiri iga durug ( you Gary hair) ayadoo daandaansaneysa .

Daandaansigaas ayaa Ostan laga raacay wuxuu noqday mid Maryan Jaceyl u Qaaday , wuxuu ahaa mid marka aan fasalka macallin ku jirin mid u janjeera dhanka Maryan ka jirto.Mid habeenkii iyo maalintiiba isku si uga fakara maryan, mar kastana jaceylkeedu ku sii weynaanaayo.

Waagaas Xamar Xamar bay aheyd Jidka Makah Mukaramah ayaa ahaa halbolwaha Caasimada ee Bari & Galbeed isku xiiriiriya, waana jidka kala badha labada xaafadood ee Ostan iyo Maryan, markaad horay u raacdo oo dhanka magaallada u socoto baabuurta magaalada u socota midigta ayey ku socotaa se bilo ka hor ayaa la badalay oo waaggii hore Baabuurta magaalda u socota dhanka bidix ayey mari jireen.

Markaad ka soo daadagto Taallada dhagax tuur- oo intaan Sanad ka hor la saarin Ninka dhagaxa Tuuraaya- uu meesheeda ooli jiray dhagax weyn oo dhulka yaalla, buurtaas markaad joogto ayaad waxaad arkaysaa Baddii oo bulug ah oo korka ay ka saarsaaran yihiin xunbo cad cad oo hirku curiyey, wax yar kadib waxaa dhanka Bidix kaa qabanaaya Dugsiga Allaahida oo kurkiisa magaca Allaah oo af carabi ku qoran saaran yahay habeenkiina asagoo nalal cagaaran ka daaran yihiin meel dheer laga arkaayo.

Marka aad soo gaarto Hoteel Shabeelle waxaa ku soo galaaya udug aan caadi aheyn tallow ma shukulaatada ceynba ceynka ah ee saaran gaari gacmeedyada Hoteelka hortiisa lagu gadaayo mise waa caf”e laatada ay shiidayso Baar Azaan baa ??? udug aan caadi aheyn baa ku soo galaaya.Markaad jiiradaas oo Farmashi weyn ugu danbeeyo aad ka leexato waxaad hormareysaa Dukaanka weyn ee Carwada Zulfuqaar Cali Bhuto la yiraahdo.

Markaad horay u yara socoto waxaad ku tageysaa Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo caan ku ah Silsilada qara waaweyn waxaana ka soo horjeeda Hoteel Savoy oo aan aheyn midkii markii danbe uu Jirdeh Husseen Gatay Allaah ha u naxariistee kadibna waxaa midigta kaa qabaneysa Sartii Ca’f'e Naitionaale iyo Shaneemo xamar oo isku dhagan, waxaan ka soo horjeeda sarta lixda dabaq ah ee loo yaqaano jirdeh Huseein Building.

Horay u sii soco dhanka midigta waa Masaajidka Arbaca Rukun oo la dhisay 667 Hijriyadda , horay u sii dhaaf meesha maanta laga dudumiyey Hoteel AL-curuba waxaa ku ooli jirtay dawladii Hoose ee munishiibiyo oo ku dhagan xeebta caanka ah ee Sukundo Lido ama aan si kale u iraahdo xeebtii uu waagaas maamuli jiray JK oo ahaa wiil belo .

Horay markaad u sii yara dhaafto waa Boostaddii Hore ee Xamar iyo musiyamkii Saciid Barqash ee uu ku hor ooli jiray madfaca weyn ama kanooni .

Jiirada jidkaas badda dhinac mara markaad la leexato waa Suuqii weynaa ee kalluunka maleexaan maa rabtaa mise malaay Luunbi ??? Sarihii Jusuurta ee xamar weyne iyo suuqii koodka xandal maa rabtaa mise macsharo mise loos ama xalwo Ghazaali.

Xaafdda yar ee badda saaran waa xaafadda Aw Aweeska waxay dhahaan reer xamarku Aw awees Qarni oo fadhiya aa la arkay waa meesha ay istaaqfurowga xoolaha ku gowracaan, haddaad horay u dhaaftana waa isbitaalkii weynaa ee Martiini .

Badda haddaad meeshaas ka gasho waxaad ka bilaabeysaa mana kheyrto iyo mool Caliyoow haddii aad sii dhaaftana waa geel liq oo dhanka badweyta ay hoobaal ku hayso, dhanka fog ee bidixdaadanna waa fiinta jamal dheer oo wiilal yar yar oo reer xamar ah ay ka soo boodayaan.
Markaad kor uga soo baxdo badda geel liq oo aad soo aado jid yaraha kor loo soo fuulo ee kaa soo dhex baxaa guryaha jaasuurta xamar weyne , ilaa aad soo gaarto Sarta Weyn ee Bin Queer ee ka soo horjeeda Shaneemo Super .

Waxaa ka soo horjeedda Masaajidka weyn ee Marwaas oo uu ku dhagan tahay Baarka Caan ahaa ee 900 nova cento , hortiisa waxaa lagu xayeysiiyaa Aflaamta Hindiga ama Cowboyga maalmahaas socda Sida oggi amee domani attee, Geringo,10 dece galaltore,Killer the kid, ama Aflaamta Hindiga ah sida spy Roma, An evening Paris,night in london , Hamjoli, faris, waris, Suraj, Dhaharti , waqti, tazal manzil,mother India iwm.

Xaafadda Waaberi waxaa laga furay Shaneemo cusub oo la dhihi jiray Shaneemo Soomaaliya, Jimco kasta Maryan waxaa soo wadi jirtay wallaasheed oo waxay gali jireen shaneemadaas waana midda Ostanba uu u badnaa si uu u arko mar uun jaceylkiisa Maryan.

Maalin maalmaha ka mid ah ayuu Macallin fasalkii 6C soo galay wuxuu yiri maanta waa heeso , Ruux kasta waa in uu Heesaa qofkii rabo gacanta ha taagto ardeydii baa Cumar farta ku fiiqday waa wiil cod macaan wuu heesay oo wuxuu qaaday ( sida meel fagaaro ah ) waa loo sacbiyey ugu danbeyntii ostan baa la yiri hees maalmahaas oo dhanba wuxuu heeso jaceyl ka dhageysanaayey baararka xaafadiisa ku yaalay ee Baar wardheer & Baar Xaaji Mocow oo banaanka galabtii Radio weyn oo Makaroofan leh la dhigi jiray.

Maalintaas ostan wuxuu qaaday hees macaan oo jaceyl ah oo uu qaadi jiray Muuse Ismaaciil Qalinle Allaah ha u naxariistee ( ubaxoo dilaacaa dawadii nafteydaa ).

Se ostan wuxuu aad u sugaayey bal in ay heesto jaceylkiisa Maryan weyna heestay ilaa haatanna ma uusan hilmaamin heestaas waana ( hoo gacanta hoo gacanta hoo ) .

ostan maalmahaas oo dhanba markuu la kaftamaayo maryan gacantuu u taagaayey ASAGOO LEH HOO GACANTA HOO …
Ostan jaceylkii waa ku sii siyaaday galabtii markuu banooniga soo ciyaaro oo uu guriga yimaado ayuu qabeystaa asagoo markuu biyaha isku shubaayo ba maryan soo xasuusanaaya tolow caawa ma arki doontaa .

Markuu uu labisto wuxuu markiiba abaaraa xaafaddii Hodan ee ay deganeyd Maryan si uu gurigooda dhowr jeer u hormaro tolow ma arki doonaa maryan caawa .

Habeenka ugu nasiibka badan ostan waa habeenka uu arko maryan, inta badan se ma arko markuu gurigooda hortiis dhowr mar maro ayaa iska soo noqdaa oo saaxiibadiis raadiyaa ama haddii uu lacag haysto shaneemo iska galaa.

Dugsiga ardaydu waxbarasho ayey u aadaan subaxdii se Ostan waxbarashada wax baa u dheer oo wuxuu u tagaa in uu isha ka soo qaado Maryan oo la soo kaftamo.

Nasiibka Ostan wuxuu siiyey Sannadkii ay isku fasalka ahaayeen maalinna Maryan Dugsiga kama maqnaanin, taas oo asaga guul u ah aragtideeda maalin kasta .

Habeenkii ugu fiicnaa ee Ostan soo maray wuxuu ahaa asagoo la socda saaxiibkii xasan ayaa waxay si lama filaan ah u arkay Maryan oo wadada 26 juun ee ka daadagta Guriga Shaqaalaha ku socota oo ay isla socdaan gabar ay daris yihiin oo Ostanna is yaqaaniin,markaas ayuu saaxiibkiis ku yiri gabdhahaas baan sii dhaweyneynaa ee mid iga yara mashquuli si aan ula hadlo Maryan, saaxiibkiis haye ayuu ku yiri se ma suurtoobin markuu ostan gabdhihii salaamay ayey maryan la soo booday Gacamay maxaa halkaan ka sameyneysaa, markaas ayuu yiri adinkaan idin aragnay in aan idin sii dhaweyno ayaan rabnaa , mahadsanidiin se dhaweys uma baahnin ayey ugu jawaabtay .

Ostan saaxiibkiis wada sheekaysigii kama qeyb qaadan, taas oo keentay in ay si fudud u maca salaameeyaan gabdhihii, waxay aheyd furdsad qaali ah oo soo martay Ostan habeenkaas haddii Maryan ay la jiidjiidi laheyd se dhado Roob noqon weyday.

Inkastuunan ku guuleysan in uu Maryan xaaladdiisa Jaceyl u soo gudbiyo habeenkaas se asaga wax kasta waxaa uga fiicnaa in uu maryan arkay oo ayna la hadashay.

waa inoo qeybta labaad insha allah

ostan_gacamay@hotmail.com

Related Items

Comments


Leave a comment