Koobkii 18aad Ee Jen. Daauud oo Lagu Gabagabeeyay Magaalada Mogdisho

Friday January 03, 2014 - 04:41:41
0 Comments
2168
Super Admin
Garoonka Banaadir ayaa lagu soo afmeeray Koobkii 18-aad ee Jen daa'uud ee ciyaaraha fudud kaasi oo ay ka qeybgaleen 150 ciyaaryahano isugu jira wiilal iyo gabdho.
Tartanka 18-aad ee Jen daa’uud ciyaaraha fudud oo ay soo agaasimeen XSCF ayaa waxaa lagu tartamay qeybaha kala duwan ee Orordka
100m,200m,400m,800m,1500m, 3000m,iyo boodada hoose iyadoo kooxo gaaraya 8 kooxood ay u ordayeen ciyaaryahanada.

Xafladii gabo-gabada tartankaasi ayaa waxaa ka soo qeybgalay madaxda Gudiga olombikada Soomaaliyeed ee GOS,madax G/banaadir u qaabilsan Sportiga, madaxda xiriirada qaarkood, sida kubadda cagta, Kubbada Koleyga, Kubbada Laliska, Kubbada Miiska, Ciyaaraha fudud iyo tababarayaasha ciyaaraha fudud iyadoo ka hore la daawaday tartanka qeybihii ugu danbeeyey oo ay ku baratamayeen ciyaaryahanada orodka 200m. 800m. iyo 3000m oo ah orod dheer oo 3 wareeg iyo bar lagu ordayey garoonka Banaadir.

Waxaa halkaasi qudbado ku aadan tartanka horyaalka ka soo jeedisey Marwo Khadiijo aden dahir oo ah ku xigeenka xiiriirka ciyaaraha fudud, iyadoo sheegtey dadaalka xiriirkoodu ugu jiro horumarinta ciyaaraha fudud iyo sidii loo heli lahaa ciyaaryahano mustaqbalka guulo ka keena dibadda.

Abuukar Isloow Maxamed oo katirsan Gudiga Fulinta GOS ayaa ugu danbeyntii halkaasi ka sheegey inay muhiim tahay in la qabto tartamada noocaan oo kale ah si dhalinyarada laga soo jeediyo waxyaabaha xun xun sida muqaadaraadka. Waxaa uu amaanay xiriirka ciyaaraha fudud oo uu sheegey inay muhiim tahay inay ku deydaan xiriirada kale ee jira, isagoo kula dardaarmay inay soo celiyaan magacii ciyaaraha fudud somaliya ku lahayd.

Waxaa halkaasi lagu bixiyey abaal marino bilado iyo koobab isugu jira waxayna kooxaha kaalimaha ugu kala guuleysteen: Dhinaca wiilasha HEEGAN ayaa koobaad gashay iyagoo Urursadey 59 dhibic,kaalinta 2-aad waxaa galay HORSEED 42 dhibic,halka 3-aad ay galeen kooxda JUBBA oo urursatay 23 dhibic,dhinaca gabdhaha IIMAAN Hospital ayaa koobaad galay iyagoo keensadey 26 dhibic, halka gabdhaha Heegan ay galeen labaad 23 dhibic.

Related Items


Leave a comment