Habka Cusub ee dagaalka sokeeye ee Raga iyo Dumarka

Thursday July 07, 2016 - 21:23:04
0 Comments
1332
Super Admin
HABKA CUSUB EE DAGAALKA SOKEEYE EE. RAGGA IYO DUMARKA

Soomaaliya waxay soo martay marxalado kala duwan sidii ay Dawladdii Dhexe u burburtay, Dagaalkii Jabhadaha, kii dagaal oogayaasha, kii ururada Islaamiga, mudadaa dheer oo dagaal iyo burbur lagu jiray Haweenka waxay ahaayeen kuwo aan ka qayb qaadanin dagaalka, waxay ahaayeen kuwo ku hawlan horumarinta Bulshada iyo wax soo saarka Dalka, waxay qoysaskooda u ahaayeen Aabe iyo Hooyo. Waxay soo saareen dhalinyaro badan oo aqoonyahano ah oo la filaayo in mustaqbalka loo baxsado.


Burburintii iyo dibindaabyadii Soomaaliya lagu hayay waxay ka dhaqaaqi wayday Haweenka, si hawshaas ay bulshada u hayaan looga soo saaro waxaa la keenay barnaamij sidii ay ooga qayb qaadan lahaayeen waxaan loogu yeero siyaasad oo iska daba jiidanka ah oo aan lahayn billaaw iyo dhammaad midkoodna oo qaran dumis ah.


Haweenka Soomaaliya waxaan leeyahay hawl mug wayn baad Qaranka u haysaane yaan la idin marin habaabin oo yaan caqliga la idinka xadin sidii raggii Soomaaliyeed loo duufsaday kol hore. Waxaadna ogaataan hadduu dagaalku isu beddelo Rag iyo Dumar in Soomaali loo yaabo.

W/Q Dr. Idris Khalaf

Related Items


Leave a comment