Portugal oo ku guulaysatay Koobta Qaarada Yurub markii ugu horaysay

Monday July 11, 2016 - 01:45:04
0 Comments
1932
Super Admin
Kooxda kubadda cagta ee dalka Burtiqiiska ayaa caawa oo Axad ah ´ku garaacay magaalada Paris goroonka Stade la Farance kooxdii loo hanweynaa ee faransiiska, waxaana ay soo bandhigeen ciyaar difaac iyo weerar celis ah.

Ciyaaryahanada dalka Faransiiska ayaa ku bilaabey ciyaarta weeraro culus oo ay ku qaadaan goolka kooxda Burtiqiiska, waxaana bilowgii hore ee ciyaartu u muuqatey in si weyn looga gacan sareeyo ciyaaryahanada Burtiqiiska oo ay ka muuqatey isku dhex yaac.

Ciyaarta oo socotey 22 daqiiqo ayaa xiddiga Burtiqiisa Christino Ronaldo dhaawac ka soo gaaray lawga, taas oo uu markii danbe dalbadey in la baddelo, waxaana is bedeley dhamaan ciyaarta kooxda Boruqiiska oo u muuqdey kuwo ku wanaagsan maqnaanshaha Ronaldo.

Qaybtii hore iyo qaybtoo danbe ee ciyaarta ayaa ku dhamaatey bar-bardhac aan wax goolal ah kooxna dhalin, inkasta oo kooxda Faranmsiisku ay heleen fursado aad u badan, daqiiqadii u danbeysey ee ciyaarta ayaa kubaddu dhaaftey goolhayaha Burtiqiiska Patricio nasiib wanaag/nasiib darro birta goolka ayaa soo celisey.

Ciyaarta ayaa lagu daray 30 daqiiqo oo dheeraad ah, 15 hore ayaa ku dhamaadey si lamid ah 90 daqiiqo ee hore, laakiin waxaa ciyaarta dhan is bedeshey 15 daqiiqo ee u danbeeyey ee ciyaarta awoodeeda ay la wareegeen kooxda Bortiqiisku waxaana weryahankooda Eder ee sita lanbarka 9 kuna soo galay ciyaarta bedel uu keeney goolkii guusha daqiiqadii 109, waxaana kooxda Faransiiska ay ku hor ceebobeen malaayiin Faransiis ah oo ciyaarta daawanaysey taas oo lagu ciyaarayo dalkooda.

Kadib markii ciyaartu dhamaatey waxaa farxad dhulka la daatey kooxda Bortiqiiska, halka ciyaaryahanada faransiisku niyad jab iyo oohin dhulka ula dhaceen. Ma jirto cid horey u sadaalineysey in sanadkan Burtiqiisku noqonayaan horyaalka qaaradda Yurub waxaana ay ka mid tahay Mucjisooyinka kubadda cagta.

Ciyaayahanka guusha u horseeday Burtiqiiska ee Eder ayaa ku dhashey qaaradda afrika gaar ahaan dalka Guinea Bissau. Waa markii u horeysey ee dalka Bortiqiisku noqdo horyaalka Qaaradda Yurub ee kubadda cagta, sanadkii 2004 ayey u so baxeen Final-ka waxaana koobkaas si lama filaan ah ku qaadey dalka Giriiga. Waxaana kabtanka kooxda ee Bortiqiiska Ronlando uu yiri oohintii 2004 mar danbe ma soo noqoneyso, isaga oo kor u taagaya koobka loo tartamaayey ee horyaalka Qaaradda Yurub.

Source: HM

Related Items


Leave a comment