Koobka Goballada Dalka oo ka furmay Casumada Mogdisho

Friday July 15, 2016 - 23:08:38
0 Comments
2187
Super Admin
Garoonka kubada ee Banaadir Stadium waxaa si toos ah uga furmay galabta Tartanka kubada cagta ee gobolada dalka, waxaana Tartanka sanadkan maalgelinaya maamulka gobolaka Banaadir.

Munaasabada Tartankan lagu furayay waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya, Gudoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Labada Gole ee dowladda.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya Tartankan uu u leeyahay ahmiyad gaar ah maadaama Tartankan ay ka soo muuqanayaan cayaartoy mataleysa maamul goboleedyada dalka ka jira.

Tartankan ayaa waxaa ka qeyb galaya ciyaartoy mataleysa maamulada dalka kajira  oo kala ah Banaadir, Koonfur Galbeed, Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo hal dhinac ah.

Isku aadka Tartankan ayaa waxaa loo qeybiyay ilaa 2 oo kala ah Group A iyo Group B. Groupka A, ayaa waxaa ku wada jira Puntland, Banaadir iyo Koonfur Galbeed. Halka Groupka B ay ku wada jiraan Jubbaland, Galmudug iyo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo maamul ah. Galabta waxaa Tartankan lagu furay Banaadir iyo Koonfur Galbeed oo si weyn ugu soo diyaar garoobay kulankan.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in Tartankan la doonayay in lagu furo Puntland iyo Banaadir balse cilad farsamo awgeed waxaa Puntland lagu bedelay Koonfur Galbeed. Tartankan guushii ugu horeysay waxaa galabta gaartay Banaadir, waxaana ay ku adkaatay 5 iyo 0 oo Koonfur Galbeed looga awood roonaaday,

Kooxda Banaadir ayaa qeybtii hore ee cayaarta waxa ay ku horkaceysay 3 iyo 0 halka sidoo kale markii dib la isugu soo laabtay ayay 2 Gool oo kale dhalisay, waxaana ay sidaasi ay ku dhalisay 5 Gool.

Maalinta beri ah ayaa waxa wada cayaari doona Jubbaland, iyo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo ku wada jira Groupka B

Source: Wakaalada Wararka ee SONNA

Related Items


Leave a comment