Kooxda Sh. Dhexe&Hiiraan oo kooxda Galmudug kaga adkaatay 1-0

Thursday July 21, 2016 - 00:05:35
0 Comments
2114
Super Admin
Kooxda matalaysey Mamulka Gal-mudug ayaa ka hartay koobka mamulada dalka oo ka socda magalada Muqdisho, kaddib markii galabta hal iyo eber uga adkaatey kooxda Hiiraan/Shabbeelaha dhexe matalaysey.

Labadaan kooxood ayaa ku wada jiray guruubka labaad, waxaana galabta sama-fiinaalaha usoo baxay kooxaha Puntland,Banaadir,Jubbaland iyo Hiiraan/Shabeelaha dhexe.

Ciyaarta galabta ayaa ahayd mid aad uxiiso baddan, waxaana usoo daawasho tagay masuuliyiin kala duwan oo ka socdey Galmudug,Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe iyo weliba boqolaal taageerayaal labada dhinac u sacaba tumayay.

Markey ciyaartu soo dhammaatay ayay labada kooxoodba u sheegeen saxaafada iney ku faraxsan yihiin wixii galabta dhacay, waxa kale ay sheegen sababta loo yimi halkan ay tahay guul iyo guuldarro ayna koox un raaci lahayd.

Waxaa madaxa isla galaya maalmaha soo socda kooxdaha Banaadir iyo Jubbaland, Puntland iyo Hiiraan/Shabeelaha dhexe, kuwaasoo isagu soo haray koobka, berri oo khamiis ah ayaa la nasanayaa wixii ka danbeeyay waxaa la isku diyaarinayaa ciyaaraha harsan.

Masuuliyiinta ciyaaraha dalka ayaa sheegay iney tahay ahmiyada koowaad ee koobkan sidii dhalintu isku dhex gali lahaayeen isla markasna loo sii xoojin lahaa xirfada kubadda cagta.




Related Items


Leave a comment