Xulka kubada cagta ee Puntland oo ku guulaystay koobkii Goballada

Tuesday July 26, 2016 - 21:39:03
0 Comments
2014
Super Admin
Ciyaartooyda Puntland ayaa ku guulaystay tartankii ciyaaraha dowlad gobaleedyada ee ka socday magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, ka dib markii ay ka adkaadeen ciyaartooyda Jubbaland.

Daawashada Ciyaartaan ayaa waxaa ka qaybgalay, Madaxweynaha JFS Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, R/wasaaraha Dalka Cumar C.rashiid, Wasiiro, Xildhibaano, Mas’uuliyiin, Marti Sharaf iyo Kummanaan dad wayne ah oo aad u xiisaynayay daawashada ciyaartaan.

Ciyaarta ayaa waqtigii loogu talagalay waxay ku soo dhamaatay 1-1 oo labada kooxood ay isla dhaafiwaayeen, iyadoo qaybtii hore ee ciyaarta laka dhaliyay min halka Gool.

Sidoo kale Waqtigii dheeriga ahaa ee lagu daray ciyaarta labada koox ma aysan kala dhalin wax Gool ah, taas oo markii danbe keentay in lagu kala baxo Gool kulaad.

Ciyaartoyda Puntland ayaa Jubbaland kaga adkaaday 5-3 oo Gool kulaad, waxaana halkaasi xulka Puntland ugu dabaal dageen guusha ay gaareen.

Madaxweynaha JFS ayaa halkaas ciyaartoyda Puntland gudoonsiiyay Koobka Tartanka dowlad gobaleedyada Soomaaliya oo ay ku guuleesteen, kaasoo ahaa mid aad u qiimo badan.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in tallabadan ay ka tarjumeyso nabadda iyo horumarka uu dalku ku sii tallaabsanyo, wuxuuna hambalyo u diray dhammaan kooxihii ciyaartooyda ee ka qayb galayay koobka u hanbalyeeyay, isagoo ku Ammaanay tartanka iyo ciyaaraha wanaagsan ee ay soo bandhigeen.

Related Items


Leave a comment