Madaxwayne Gaas oo Hambalyo udiray Xulka kubada cagta ee Puntland

Tuesday July 26, 2016 - 22:01:26
0 Comments
1405
Super Admin
Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa caawa  26 July 2016 hambalyo iyo bogaadin u diray xulka kubbadda cagta Puntland oo guul taariikhi ah kasoo hooyey ciyaarihii gobollada dalka ee ka soconayey magaalada Muqdisho isla markaana ku guuleystey hanashada koobkii ay Soomaaliy oo dhammi u tartamaysey .

Madaxweynaha ayaa xulkaan Puntland ku ammaanay guusha iyo sharafta ay u soo hooyeen Puntland waxaana uu tilmaamay in ay dawladdiisu abaal marin iyo hab maamuus u samayn doonto xulkaankaan magaca iyo sharafta usoo hooyey Puntland.

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale hambalyo u diray xulka kubbadda cagta ee Jubbaland oo la tartamayey xulkii ugu adkaa tartan ciyaareedka ee Puntland, waxaana uu ku ammanay Madaxweynuhu xulka Jubbaland ciyaar wanaagii iyo dedaalkii ay soo bandhigeen.

Madaxweynu waxa uu kaloo bogaadin u diray xulalkii maamullada kale ee ku meel-gaarka ah ee dalka ka jira ee kasoo qayb galay tartan ciyaareedkii u dhexeeyey maamullada dalka isla markaana lagu reebay wareegyadii hore iyo kuwii dhexe.

ugu dambayn Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in dawladdu ay maamuus iyo soo dhoweyn u samayn doonto  xulka Puntland iyo koobka ay soo qaadeen, isla markaana si weyn looga dareemi doono dhammaan gobollada Puntland hab maamuuska loo samayn doono xulka Puntland.

kumannaan kamid ah dadweynaha reer Puntland ayaa galabta isugu soo baxay fagaarayaasha waaweyn ee dhammaan magaalooyinka Puntland, kuwaas oo u dabbaal degayey guusha lama illaawaanka ah ee ay soo hooyeen xulka Puntland, maalmaha soo socdana waxaa Caasimadda Puntland kasoo degi doona koobkii ay wada naawilayeen guud ahaan maamullada dalka.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Related Items


Leave a comment