Hillary Clinton oo loo Caleemasaaray Musharaxnimada Madaxtinimada Maraykanka

Thursday July 28, 2016 - 00:25:01
0 Comments
1178
Super Admin
Xisbiga Dimuqraaddiga ayaa markii ugu horeysay taariikhda doorashooyinka maraykanka noqday Xisbigii ugu horeeyay ee si rasmi u caleemo saara haweenay in ay u tartanto Doorashooyinka Maraykanka ee lagu wado in ay dhacaan 8da Novembar ee sanadkan.
Xisbiga Dimuqraaddiga ayaa markii ugu horeysay taariikhda doorashooyinka maraykanka noqday Xisbigii  ugu horeeyay ee si rasmi u caleemo saara haweenay in ay u tartanto Doorashooyinka Maraykanka ee lagu wado in ay dhacaan 8da Novembar ee sanadkan.

xog-hayihii hore ee arrimaha dibadda Mareykanka Hillary Clinton ayaa xalay Xisbiga Dimoqraadigu si rasmi ah ugu magacaabay in ay Noqoto Musharaxa u loolamaya Madaxtinimada Maraykanka.

Bernie Sanders oo la tartamayay Hillary Clinton ayaa ka sheegay shirka in uu jeclaan lahaa in nidaamka la marayo marka la magacaabayo musharaxa la joojiyo si toos ahna Hillary loo magacaabo.

Waxay aheyd taageero la mid ah tii ay Clinton sameysay 8 sano ka hor markii ay mikrafoonka ku soo dhawaatay si ay taageero ugu muujiso Barack Obama oo tartankii is reereebka kaga soo adkaaday xisibiga Dimoqoraadiga dhexdiisa.   Bill Clinton oo ah madaxweynihii hore ee Maraykanka ahna Sayga Hillary, ayaa sidoo kale kulanka ka hadlay, ayaa sheegay in Hillary Clinton ay waligeedba ahayd Saaxiibka Shacabka Maraykanka.

Micheal Obama oo ah Marwada Koowaad ee Maraykanka ayaa iyana waxay si aad ah u amaantay waxqabadka iyo kartida Mrs:- Hillary Clinton , waxayna dadka maraykanka u dardaar warisay iyadoo tiri  "Cid walba laguma aamini karo number-sireedka Nuclearka Maraykanka”.

Related Items


Leave a comment