Shirk Gollah wasiirada oo arimo kala dowan logo arinsaday

Friday July 29, 2016 - 08:45:28
0 Comments
1090

Golaha wasiirada ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa ayaa ka hadlay arrimo ay kamid yihiin amniga dalka, gaadiidka iyo duulimaadyada, arrimaha samafalka iyo ciyaarihii maamul goboleedyada ee soo gaba-gaboobay, waxaana shir gudoominayay kusimaha ra’iisulwasaarah ahna wasiirka cadaaladda mudane Cabdulaahi Axmed Jaamac Ilkajiir.

Wasaaradda amniga gudaha ayaa soo gudbisay warbixin ku aadan amniga dalka gaar ahaan caasimda, wasiirka amniga wuxuu sheegay in ciidanka amniga ay ku dadaalayaan diyaarna u yihiin ka hortaga falalka argagixisada.

Wasiirka gaadiidka iyo duulimaadyada ayaa ka hadlay arrimaha hawada asagoona sheegay in qalabka lagu hago hawad oo 3 kunteenar ah la keeni doono maal-maha soo socda.

Wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka ayaa laga dhageystay warbixin ku saabsan qaabkii loo maamulay markabkii raashiinka ahaa oo ay dowlada aan walaalahanahay ee Turkiga ay ugu deeqday ummada Soomaaliyeed, wasaarada ayaa sheegtay in si wanaagsan loo qeybiyay islamarkaana loo gaarsiiyay maamulada dalka ka jira.

 Ugu dambeyntii Wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada oo ka hadlay ciyaarihii maamul goboleedyada dalka ayaa sheegay in 180 dhalinyaro ah la keenay gobolada dalka kuwasoo u ciyaarayay maamulada ay ka kala socdeen, wasiirka ciyaaraha ayaa u mahadceliyay safiirka Turkiga iyo dhamaan hey’adihii gacan ka geystay qabsoomida ciyaarihii maamul goboleedyada dalka asagoona sheegay in wasaaradda ay laba-laabi doonto dadaalada ku aadan sidii ciyaaraha dalkeena kor laagu qaadi lahaa.

Related Items


Leave a comment