Madaxwayne Gaas oo lakulmay Qurba joogta kunool Puntland

Saturday July 30, 2016 - 05:16:10
0 Comments
1336

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo uu weheliyo Madaxweyne ku-xigeenka Eng. Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa caawa 29 July, 2016 Hotelka Jubba ee magaalada Garoowe shir kula qaatay Qurbe joogta Puntland.

Sidoo kale Shirka waxaa kasoo qayb galay Marwada Madaxweynaha Dr’s Hodon Siciid Ciise, Agaasimaha hay’adda Qurbe joogta Puntland Cumar Shir, Afhayeenka Qurbe joogta Cabdirazaaq Gosol, xubno ka mid ah wakiillada Puntland u fadhiya qaybo ka mid ah waddamada caalamka, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland iyo Qurbe joog tiro badan oo ka kala timi daafaha caalamka.

Ujeedka shirka ayaa la xiriirey sidii ay u kala war qaadan lahaayeen Qurbe joogta Puntland iyo dawladdu isla markaana ay talooyinkooda la xiriira is kaashiga horumarka dalka ugu soo gudbin lahaayeen dawladda.

Madaxweynaha dawladda Puntland oo shirka hadal ka jeediyey ayaa Qurbe joogta ku ammaanay doorkooda horumarineed ee ay dalka ka geystaan isla markaana waxa uu tilmaamay in looga baahan yahay  in ay ka qayb qaataan horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka.

Madaxweynaha ayaa ku boorriyey qurbe joogta Puntland in ay maal-gashadaan dalka oo ka qayb qaataan kobcinta dhaqaalaha dalka, isla markaana ay waddanka kusoo kordhiyaan warshado wax soo saar si kor loogu qaado ganacsiga dalka.

Ugu dambayn Qurbe joogta ayaa Madaxweynaha weydiiyey su’aalo la xiriira shuruucda iib dhulka, shuruucda baabuurta iyo waddooyinka, Garoomada diyaaradaha, qandaraasyada iyo habka ugu wanaagsan ee ay door ugu yeelan karaan ka qayb qaadashada horumarka dalka, isla markaana Madaxweynaha ayaa uga jawaabey dhammaan weydiimahaasi.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND

Related Items


Leave a comment