Toban ruux oo ku dhimatay qaraxyadii ka dhacay magaalada Gaalkacyo

Sunday August 21, 2016 - 21:14:27
0 Comments
1097

Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa sheegaya in ay qaraxyo waa weyn oo loo adeegsaday gawaari ay ka dhaceen gudaha magaalada, gaar ahaan waqooyiga magaalada gaalkacyo.

Qaraxyadan ayaa geystay qasaro naf iyo maalba leh, inta la ogyahay waxaana ku dhintay qaraxyadaa  gaalkacyo 10 ruux,  tiro intaas ka badana way ku dhaawacmeen kadib labo qarax oo lagu weeraray xarunta dowladda hoose ee waqooyiga gaalkacyo.

Sida ay warbaahintu ka helayaan magaalada gaalkacyo  qaraxyada ayaa ahaa kuwa si aad ah looga maqlay daafaha magaalada gaalkacyo isla markaana khalkhal galiyey isu socodka dadka iyo gadiidka. Warku wuxuu intaas ku edaray in ciidamada amnigu joojiyeen isku socodka gadiidka iyo dadwaynahaba.

Related Items


Leave a comment