Calanka Somaliya Oo Caawa Hoos Loo Dhigayo

Tuesday August 23, 2016 - 20:19:15
0 Comments
1357

Ku-Simaha Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta kulan la yeeshay Guddiga qabanqaabada aaska qaran ee loo sameynayo Allah ha u naxariistee Madaxweyne Ku Xigeenkii hore ee Soomaaliya, S/Guud Maxamed Cali Samantar.

Mudane Jawaari ayaa sheegay in hawlaha qabanqaabada aaska qaran ee loo sameynayo General Samantar ay si wanaagsan u socdaan, isla markaana calanka Soomaaliya hoos loo dhigayo muddo saddex cisho ah oo caawa ka bilaabanaysa, iyadoo lagu maamusayo, laguna sharfayo marxuumka.

S/Guud Maxamed Cali Samantar oo Madaxweyne Ku-Xigeen, Ra’iisul Wasaare iyo Wasiirka Difaaca ka soo noqdey xukuumaddii militariga Soomaaliya ayaa dhowaan ku geeriyooday gobolka Virginia ee dalka Mareykanka, waxaana la filayaa in dhowaan aas qaran loogu sameeyo dalkiisa hooyo.

Allaha U Naxariistee Geerida Marxuumka ayaana Horay Waxaa Oga tacsiyeeysay madaxda Ugu Sareysay Somaliya, Iyadoona Aaskiisa si weyn loogu diyaar Garoobayo.

Related Items


Leave a comment