Bangiga Dhexe ee Somaliya Oo Laga Xaday Lacag Dhan $530,000

Friday August 26, 2016 - 05:51:45
0 Comments
1404
Super Admin

Gudoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya Dr Bashiir Ciise Cali, ayaa sheegay in lacag dhan shan boqol iyo sodon kun oo dollar ($530,000) laga xaday Bangiga todobaadkan, iyadoo ninka lagu tuhunsan yahay xatooyadaasi oo ah qasnaji ka tirsanaa bangigala la’yahay.

Gudoomiyaha oo shir jaraa’id maanta ku qabtay Bangiga Dhexe ayaa sheegay, in si tartiib tartiib ah lacagahan looga saaray qasnada iyadoo badalkeeda la adeegsanayay lacago dollar ah oo been abuur ah.

Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray inuu falkaasi ka dambeeyay mid ka mida Qasnajiyada Bankiga,kaasoo muddo Bil ah soo dhigayay Lacago Been abuur ah, dabeedna kala baxayay midda rasmiga ah ee halkaasi taalla,wuxuuna intaa raaciyay inuu shaqsigan baxsaday laguna raadjooga,

Guddoomiyaha oo saxaafadda kula hadlayay magaalada Muqdisho, ayaa intaa raaciyay inay haatan socdaan baaritaanno lagu ogaanayo cidda ka dambaysay, sharcigana lala tiigsan doono ciddii lagu helo ku lug lahaanshaha arrintaasi, wuxuuna sheegay iney haatan xaaladda Bankigu tahay caadi hawshuna ay si wanaagsan u socoto.

Arintaan Ayaa mudooyinkii u danbeeyay si Aad ah Loo hadal Hayay

Related Items


Leave a comment