Maraykanka oo cambaareeyay weerarka Liido

Friday August 26, 2016 - 23:08:46
0 Comments
1141
Dalka Maraykanka ayaa cambaareeyay weerarkii xalay lagu qaaday makhaayad ku taalla xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, halkaas oo sida ay ku warramayso wakaaladda wararka ee dawladda Soomaaliya ay 9 qof ku dhinteen.


9ka qof ayaa la sheegay in ay isugu jireen shacab, askarta dawladda iyo dableydii weerarka qaadday. Warsaxaafadeed uu Maraykanku soo saaray ayuu weerarkaasi ku tilmaamay mid aan macno lahayn oo muujinaya arxan darada ururka Al-Shabaab.

Waxaa kale oo ay sheegay in Maraykanku uu sii wadi doono in uu la shaqeeyo shacabka iyo ciidammada qaranka Soomaaliya si dalka oo dhan ammaan looga dhigo.

Sida ay ciidamada booliska sheegayaan, waxay qabteen qof ka mid ah kooxdii weerarka qaadday oo dhaawacmay, kaas oo hadda su’aalo la weydiinayo.

Xalay markuu weerarka bilaabanayay maqaayadda dad badan ayaa fadhiyay. Qaar ka mid ah dadkaas daaqadaha ayey iska tuureen, halka qaarka kalena ay darbiyada ka boodeen.

Ciidamada dowladda Soomaaliya, ayaa soo gaba gabeeyay weerarkii ka socdey makhaayadda Banaadir Beach ee Muqdisho abbaaro 3 am Jimcihii ee xilliga Muqdisho.

Ugu yaraan 9 ruux, ayaa la sheegey inay ku dhinteen weerarkaasi, oo ay kooxo ka tirsan al-Shabaab ku qaadeen makhaayadda fiidkii Khamiista, halkaas oo markii hore werarka ku billowdey gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxshay, oo ay daba socdeen rag hubeysan oo gudaha makhaayadda galay.

Related Items


Leave a comment