Shariif Xasan oo Xariga ka jaray Xarunta Madaxtooyada K/Galbeed

Monday August 29, 2016 - 09:34:51
0 Comments
1146

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Muden Shariif xasan Sheekh Aadan  iyo Wafdi uu hogaaminaayo ayaa Maanta oo Axad ah gaaray Dagmada Baraawe ee Xarunta Maamulka K/galbeed,waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay Maamulka Gobalka Shabeelaha Hoose iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan halkaasi.

Ujeedka socdaalka wafdiga ayaa ah xarig ka jirista Xarunta cusub ee madaxtoyada Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed soomaaliya  oo dhawaan halkaasi laga dhisay .

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose  mudane Ibraahim Aadan Cali Najax oo ku soo dhaweeyay wafdiga degmada baraawe ee gobolka shabellaha Hoose ayaa umahadceliyay madaxweynaha KGS  dadaalki uu u galay dhismaha madatooyadan koonfur galbeed iyo dadaalada uu ugu jiro hormarinta Dalkiisa.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukumada Soomaaliya  Muumino Sheikh Cumar ayaaa Maamulka Koonfur galbeed soomaaliya  ku Amaantay dib u dhiska Xarumaha wax tarka u leh Maamulka iyo Bulshada qeebaheeda kala duwan.

Madaxweynaha Koonfuf galbeed Mudane Shariif Xasan ayaa Xariga ka jaray xarunta cusub oo ay yeelan doonto  madaxtooyda Koonfur Galbeed  Soomaaliya,waxuunaxMadaxweynaha halkaasi ka sheegay in Degmada Baraawe laga dhisi dono Dagad ay ku so xirtaan Maraakibta, isagoona ugu baaqay Dadka somaaliyeed in ay Hormarka Dalka ka shaqeyaan.

Related Items


Leave a comment