Shir Madaxeedka IGAD Oo Dib Loo Dhigay

Sunday September 11, 2016 - 07:26:23
0 Comments
1122

"Waxaa nagu soo fool leh shir aad iyo aad muhiim ah, madaxdii dalalka IGAD ayaa ku shiraya Muqdisho, arrin weyn taariikhda markii u horeysay ku shiraan waaye waliba heer madaxweyne, hada ka hor wasiirada arrimaha dibada IGAD ayaa halkan ku shiray”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya oo shir jaraa’id ku qabtay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka hadlay Shir madaxeedka IGAD ee todobaadkan ka dhacaya Muqdisho iyo tallaabooyinka la xiriira amniga ee ay dowladdu qaaday.

Waxaa uu sheegay in ammaanka magaalada Muqdisho si aad ah loo adkeeyay, isagoo ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, ayna u dulqaataan mudada ay xiran yihiin waddooyinka.

"Cadaw badan oo dhib badan ayaa leenahay, sidaas darteed Amniga Muqdisho aad iyo aad ayaa dowladda u adkeysay, iyadoo kaashaneysa ciidamada AMISOM, amnigaas la adkeeyay waa garan karnaa dadka soomaaliyeed culeys dheeri ah ayuu ku yeelanaa, hadey ahaan laheyd xaga nolosha, dhaq dhaqaaqa dadka iyo isu socodka”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo dulqaad ugu baaqay shacabka.

Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ayaa sheegay in shirkan uu ku soo aaday xilli maalmaha Ciida loo diyaar garoobayo, isagoo xusay in waqti aad u fog la qorsheeyay, isagoo intaa ku daray in shirka uu yahay mid muddo kooban soconayo.

Shirkan ayuu Qorshihiisu Ahaa Inuu Ka dhaco Muqdisho Dhawaan, Laakiin Hadda dib ayaa Loo dhigay

Related Items


Leave a comment