Dowladda Somaliya Oo Qaaday Xayiraadii Qaadka ee Saarneyd Kenya

Wednesday September 14, 2016 - 07:17:47
0 Comments
1017

Madaxweynayaasha Kenya iyo Somaliya ayaa Goordhaweyd soo gaba gabeeyay Shir gaar ah oo ay ku yeesheen Magaaladda Muqdisho, Kaas oo ay oga hadleen Arimo Kala duwan

Dowladdda somaliya ayaa ogalaatay in si rasmi ah loo qaado xayiraadii qaadka ee dhawaan la saaray jaadkii ka iman jiray wadanka kenya, islamarkaana dib loo bilaabo maalinta barita ah,

sidoo kale waxaa lagu heshiiyay in muddo saddex bilood ay dowladda Kenya ku joojiso rakaabka diyaaradaha lagu baaro Garoonka Wajeer oo ay dhib badan kula kulmaan dadka u safraya Kenya, ka hor inta aanay ka degin garoonka diyaaradaha.

Waxaanna Tallaabada dowladda Soomaaliya ku qaaday xayiraadii saarneyd Qaadka Kenya laga keeni jiray ayaa dhaqan geli doonta maalinta berri oo Arbaco ah.

Shirja’id oo labada dhinac ay u qabteen saxaafadda ayeey ka sheegeen in ay isku afgarteen Go’aamadaasi.

Related Items


Leave a comment