Kenya oo hakisay Shidaal Baaris ay ka waday Biyaha Somaliya

Sunday September 25, 2016 - 19:27:27
0 Comments
1375

Dalka Kenya ayaa ku dhawaaqday inay laashay dhamaan wixii heshiis shidaal baaris ah ee ay la gashay Shirkadaha Shidaal baarista ka waday biyaha ay kula muran san tahay Somaliya.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Kenya, Githu Muigai,ayaa sheegay in ay hakiyeen dhamaan wixii Shidaal baaris ah oo ay horay u siiyeen Shirkadaha baara shidaalka si kalsooni loo siiyo Somaliya iyo Maxkamadda ICJ.

Dacwadda badda ee u dhaxeysay labada dal ayaa in la furayo iyo in kale dood la xiriirtay la soo afjaray Jimcihii la soo dhaafay,waxaana go’aan laga sugayaa Maxkamadda ICJ ee Dalkaasi Holland ku taalla.

Kenya waxa ay sheegtay in goobaha ay shidaal baaristaasi ka socotay oo ah 4 ceel hakad la geliyay kuwaas oo kala ah Ceelka 21-aad,22-aad 23-aad iyo 24-aad,kuwaas oo dhaca halka ay iska galaan biyaha labada dal sida ay sheegtay Kenya.

Kenya,ayaa wali ku doodeysa in is afgaradkii 2009-kii,kaas oo ay Dowladda Somaliya ku sheegtay in uusan ahayn mid dhaqan gal ama sharci hoggaamin kara heshiis ay gaaraan labada dal.

Baaxadda halka ay ku muransan yihiin Somaliya iyo Kenya ayey Dowladda Kenya ku sheegtay in 42,000KM ay gaareyso,taas oo ay rumeysan yihiin labada dalba in ay kheyraad dabiici ah ka buuxaan.

Related Items


Leave a comment