Jaamacadda Carabta oo kulan la qaatay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya

Thursday September 29, 2016 - 20:35:20
0 Comments
1355

Wafdi ka socda Jaamacadda Carabta ayaa kulammo gaar gaara kula yeeshay Magaalada Muqdisho, R/wasaare ku xigeenka Xukuumadda federaalka Soomaaliya ,Mudane Maxamed Cumar Carte iyo Masuuliyiin kale.

Ampassador; Maxamed Idiris ,oo ah u qaybsanaha Jaamacadda Carabta arrimaha Soomaaliya oo hoggaaminayay wafdigan, ayaa Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ugu war bixiyay, waxyaabihii ay ka wada hadleen madaxda.

Danjire; Idriis ayaa  sheegay inay  Madaxda Dalka Soomaaliya isla Jeexjeexeen sidii loo dardar gelin lahaa howlaha doorashooyinka dadban  iyo sidii loo turxaan bixin lahaa habsami  u socodka doorashada 2016-ka.

Wafdiga ka socda Jaamacadda Carabta oo ay qayb ka ahaayeen maamulaha  Iskaashiga Afrika iyo Jaamacadda Carabta,  Fu’ad bustanji  iyo Axmed Ammiin, oo ka tirsan Maamulka Doorashooyinka Jaamacadda Carabta ayaa sidoo kale waxay kulan la qaateen,wasiir ku xigeenka Arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Cali Kediye iyo Cumar  Maxamed C/lle (Dhegeey) oo ah guddoomiyaha guddiga Dorashooyinka Dadban ee Soomaaliya.

Xubnahan ka socda Jaamacadda Carabta ayaa madaxdii ay la kulmeen waxay ka dhegeysteen xogo la xiriira halka ay wax u marayaan Guddiga doorashooyinka dadban iyo fududeynta haddey jiraan caqabado ay doonayaan in laga gacan siiyo.

Wafdigan oo ujeeddadoodu ay ahayd kormeeridda hawlaha doorashooyinka  dadban ee Soomaaliya iyo qiimeyn ku aaddan is beddellada siyaasadeed ee Dalka, ayaa lagu wadaa iney kulammo kale la yeeshaan madaxda Beesha Caalamka ka joogta Soomaaliya, si ay ugu gudbiyaan war bixintii ay soo uruuriyeen.

Related Items


Leave a comment