Booliska Talyaaniga oo jirdilay tahriibayaal

Thursday November 03, 2016 - 17:28:34
0 Comments
1374

Hay’adda xuquuqul insaanka u doodda ee Amnesty International, ayaa sheegtay in booliska Talyaaniga ay garaaceen isla markaana koronto ku qabteen tiro ka tirsan dadka tahriibka ku galay dalkaasi.

Tahriibayaashaasi ayaa la sheegay in ay diideen in laga qaado faraha. Tan iyo bilowgii sanadkan, in ka badan 150 kun oo muhaajiriin ah ayaa gaaray Talyaaniga, ka dib markii laga badbaadiyay badda Mediterranean-ka.

Dadka diiday in faraha looga qaado Talyaaniga, ayaa ka cabsi qaba in aanay qaabilaad ka heli waayaan waddamada kale ee Yurub. Amnesty ayaa sheegtay in muhaajiriin ka badan 20 qof ay u sheegeen, in booliska Talyaaniga ay si xun ula dhaqmeen markii faraha laga qaadayay.

Hay’adda ayaa ku baaqaysa in si madax bannaan loo baaro eedeymahaasi. Talyaaniga ayaa sheegaya in booliskiisa loo tababaray in si xirfadeysan oo taxadar leh uu ula dhaqmo muhaajiriinta.

Related Items


Leave a comment