Xaarxaar oo qalabkii ceel qodista lageeyey

Thursday November 10, 2016 - 00:50:18
0 Comments
1383

Wafti isugo jira Xildhibano, Musharaxinta Xildhibanimo, Siyasiyin iyo Hogaan dhaqmeedka Beesha Awrable ayaa maanta soo gaaray deegaanka xaarxaar ayagoo waday Qalabkii lagu Qodilahaa Ceel biyoodka Deegaanka dhawaan larajaynayo in laga hirgaliyo. Sidoo kale waxaa waftigaan waheliyey masuuliyiin kamid ah maamulka Puntland kuwaas oo hubinayey inaa qalabkaan soo gaaro deegaanka Xaarxaar isla markaana lagu hawl bilaabo. 

Masuuliyinta Tagay ayaa waxaa hogaminayey Xildhiban Axmed Jama, Musharax Dr-Ali Nour Husien Duale & Marwo Aisha Gele Kanec.  

Markii ay gaarreen Degaanka Xaarxaar waxaa ku soo dhaweeyey Maamulka Deganka oo uu horkacayey  Gudomiyaha Xaarxar C/karien Gele Kanec iyo qaybo kamid ah maamulka deegaanka. 

Ceelkaan ayaan waxaa lafilayaa in dhawaan laga hirgaliyo deegaanka, waxayna deegaanka kusoo kordhinaysaa hormar xoog leh oo ay kamid tahay in qorba joogtu ay si xawli ah u maal gashantaan deegaanka xaarxaar oo kuyaal meel istaraatiji u ah dhaqaalaha iyo isu socodka gobalada Puntland. 

MeeraysaneMediaNetwork

Xaarxaar

Related Items


Leave a comment