Sacdiya,Burhan iyo Jaabir oo loodoortay Xildh. Beesha Yusuf Darood

Sunday November 13, 2016 - 20:44:36
0 Comments
7983
Waxaa maanta Magaala madaxda Puntland ee Garawe lagu doortay 3 sadexda xildhimaan ee beesh Yusuf Daarood/ Awrtable uga mid noqon doona xildhibaanada dawladda federaalka ee Soomaaliya. Doorashadaan oo si xor iyo calaada ah u dhacday waxaa lagu doortay sedex masuul oo kala ah.
* Burhan Adan Cumar
* Sacdiya Carays Ciise
* Abdirahman Abdulle-Jabir

Marwo Sacdiya Carays Ciise ayaa waxay noqonaysaa markeedii labaad ee ay ka mid ahaanayso Xildhibaannada Dawladda Federaalka halka Burhan Adan iyo Abdirahman Abdulle ay booska kala wareegayaan Xildhibaan Daa'uud Abdikarin iyo Xildhibaan Mohamed Abdi Yusuf. Beel waynta Yusuf Daarood ayaa aad usoo dhaweeyey Doorashadaan oo si aad ah ugu duwanayd qaababkii hore ee loo soo xuli jiray Xildhibaanada Beesha. 

Maamulka Meeraysane wuxuu aad uga hambalyeynayaa sedaxdaan Masuul ee ladoortay, Ilaahayna waxaan uga baryeynaa in masuuliyadaas ay qaadeen ay si cadaalad iyo horumar ku jirto ay ugutaan. Ammin.

Sidoo kale waxaan amaan iyo bogaadin u diraynaa Xildhimaan Daud iyo Xildhibaan Mohamed Abdi sidii wanaagsanayd ee ay ugu adeegeen Dalka iyo Dadka Somaliyeed. Taariikhdana baal dahab ayaad ka gasheen. 

Related Items


Leave a comment