Air Jabuuti oo Somaliya dib uga shaqo biloowday

Wednesday November 16, 2016 - 17:54:06
0 Comments
1527
Super Admin

Shirkadda diyaaradaha ee dalka Jabuuti ayaa maanta soo caga dhigatay Magaalada Muqdisho muddo 25 sano ah ka dib sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Somaliya.

Diyaaradda ayaa duullimaadyo toos ah waxa ay ka biloowday Magaalooyinka Jabuuti iyo Muqdisho, waxaana la sheegay in ay ka mid noqon doonto duulimaadyada Caalamiga ee ka shaqeyn doono garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Jabuuti Airlines, ayaa ka mid aheyd diyaaradaha sababo dhanka amniga ah ugu baaqsaday in ay yimaadaan Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

jabuuti

Diyaaradda ayaa duullimaadyo toos ah waxa ay ka biloowday Magaalooyinka Jabuuti iyo Muqdisho,

Jabuuti Airlines, ayaa ka qayb qaadan doonta howlaha isu socodka Dadka Somaliyed ee u kala gooshaya Labada Dal ee Walaalaha ah.

Dowladda Jabuuti ayaa ka mid ah dowladaha sida aadka ah u la socda siyaasada Somaliya , waxaana ciidamo qeyb ka ah howgalka Amisom ay ka joogaan Somaliya.

Jabuuti Airlines, mahan diyaaradii ugu horreeysay ee duulimaad heer Caalami ah ka sameysa Somaliya.

Related Items


Leave a comment