G. Doorashada Oo Ka Hadlay Dib U dhaca Doorashada Madaxweynaha.

Tuesday November 29, 2016 - 17:35:45
0 Comments
1407

Guddiga Doorashada Dadban ee Soomaaliya, ayaa sheegay in kulanka ugu horreeya ee baarlamaanka Cusub ee Federaalka Somalia uu yeelan doono Horraanta bisha December ee soo socota.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban, Avv Cumar Maxamed C/lle [Dhagey], ayaa shir jaraa’id oo uu Magaalada Muqdisho ku qabtay ku sheegay in Haatan ay hayaan 178-xildhibaan oo lasoo doortay ayna ka dhiman tahay kooramka uu kal-fadhiga u horeeya ku qabsoomi karo oo ah 184-mudane lix xildhibaan oo keliya.

Waxa uu sheegay in baarlamaanka markii ay tiradooda buuxsanto ay la wareegayaan shaqada doorashada inta dhiman.

Waxa uu tilmaamay in tiro yar ay ka harsan tahay kooramka uu ku furmi lahaa Kulamada Xildhibaanada Baarlamaanka isla markaana ay shaqadooda ku wareejin doonaan Baarlamaanka. Waxayna tahay ay go’aan rasmi ka gaaraan waqti ay dhaceyso doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Doorashada Soomaaliya ayaa u muuqata mid lagu daalay oo maalinba maalinta ka dambeysa Waqtigeeda dhaafaysa.

Related Items


Leave a comment