Taariikh nololeedka Ra'iisul Wasaaraha cusub Xassan Cali Kheyre

Sunday February 26, 2017 - 18:18:48
0 Comments
1552
Xassan Cali Khayre wuxuu ku dhashay magaalada Ceelbuur sanadkii 1968dii.

Wuxuu waxbarashadiisa ilaa Dugsi Sare kaga baxay Cismaan Geeddi Raage ee magaalada Muqdisho sanadkii 1986dii. Shahaadada koowaad ee Jaamacadda wuxuu ka qaatay University of Oslo isaga oo ku diyaariyay culuumta Siyaasadda iyo Dhaqaalaha. 1999kii ayuu Diblooma Sare ka qaatay Edinburg Business School ee dalka Scotland. Isla Edinburg Business School ayuu ka diyaariyay Shahaadada labaad ee Jaamacadda sanadki 2001dii.

Mudane Khayre wuxuu ka shaqo bilaabay xarun bixisa adeegga bulshada oo ku taallay magaalada Oslo sanadkii 1995tii. Keddib wuxuu bare ka noqday Boltelpkka School ee isla Oslo ku yaallo. Sanadkii 1999-kii ayuu ka shaqo bilaabay dowladda Hoose ee Oslo oo uu muddo saddex sano iyo bar ah ka shaqeynaayay. Wuxuu Agaasime ka noqday dallad ay ku mideeysanyihiin Soomaalida ku nool dalka Norway taasoo loo aasaasay in ay ka shaqeyso isku xirka iyo dhexgalka Soomaalida iyo jinsiyadaha kale ee qaxootiga ku ah dalkaas.

Wuxuu muddo 12 sano ka badan la shaqeynayay hay’adda NRC (Norwegian Refugee Council) oo uu ku biiray bishii Febraayo, 2002 isaga oo la taliye ka noqday xafiiska Oslo. Xilalka kale ee uu ka qabtay waxaa kamid ahaa Xiriiriyaha Arrimaha Shaqaalaha, La Taliye Sare oo ka tirsan xafiiska Oslo, Maamulaha Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, Agaaismaha xafiiksa Soomaaliya iyo Kenya iyo ugu dambeyntii Agaasime Goboleedka Geeska Afrika, Koonfurta Suudaan, Uganda iyo Yemen.

Xasan Khayre wuxuu sidoo kale ahaa Agaasimaha hawlfulinta Afrika ee Shirkadda Soma Oil and Gas oo laga leeyahay dalka Ingiriiska. Waxa uu hawlo kala duwan kasoo qabtay 9 wadan, isaga oo maamulay 3,500 oo shaqaale oo 20 jinsiyadood haysta, wuxuuna maamulay miisaaniyad lacageed oo dhan 150 Milyan oo Dollar.

Xassan wuxuu ku hadlaa afafka Soomaaliga, Ingiriiska iyo Norwegian.

Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 23-ka Febraayo, 2017 uu u magacaabay Madaxweynaha Jamhurriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo inuu noqdo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda 4-ta sano ee soo socota keddib marka ay Barlamaanka ansixiyaan.
Alle ha u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday.

Related Items


Leave a comment