Maxaa keenay in Burcad-badeeddu dib u soo laba-kacleeyso?

Friday April 07, 2017 - 00:20:17
0 Comments
1497

Burcad-badeenimadu waxay aheyd wax ku cusub Soomaalida, waayo ma sahlana in Badweynta la tago hub iyo Saanad lagu raro Doomo dheereeyaa, hadana Maraakiib Badda goosheysa la soo af-duubto, balse waxaa isweydiin mudan maxaa dhaliyay in Soomaalidu bilowdo qaabkaasi Burcadnimo ah, waayo waxaa la yiqiin Isbaaro dhulka ah oo Dadka Baarata, waxaase lala yaaban yahay maxaa soo kordhiyay in Baddana tuugo-nimo loo tago oo Maraakiib la Af-duubo?, goormeeyse bilabatay, maxayse ku bilaabatay?

Burcad-badeeddu waxaa lagu qiyaasaa inay bilaabatay horraantii sanadkii 2000, waxayna ka bilaabatay Deegaanna ka tirsan Maamulka Puntland, waxaana billaabay Kooxo Kalluumeysato ah oo sheegay inay ka cabanayeen Maraakiibta waaweyn ee ka jilaabtay Deegannadaasi, kuwaasi oo ka baabi’iyay dhamaan qalabkoodii Kalluumeysi, islmarkaana waayay cid ay dhibaatadooda u sheegtaan, waase sii fiday oo waxay ku baahday dhammaan xeebaha Dalka Soomaaliya, kadibna waxayba noqotay xirfad ka mid ah xirfadaha lagu shaqeysto, laakiin waa ay hakatay tan iyo sanadkii 2012-kii, waxaana loo aaneynayaa in Badaha Soomaaaliya la keenay Maraakiib dagaal oo ka hortaga lana dagaalama Kooxahaasi.

Koox sheegatay inay yihiin Kalluumeysato balse sife Burcad-badeed leh ayaa bishii hore Af-duub ugu haystay Markab kuwa Saliidda qaada ah oo u rarnaa Ganacsato Soomaaliyeed deegaanka Caluula ee Maamulka Puntland, halkaasi oo markii horaba aheyd meshii ay ka soo aas-aasmatay Burcad-badeednimadu, balse markii dambe lagu guuleestay in laga sii daayo Markabkaasi.

Markabka Arra-13 ayaa dhawaan lagu qafaashay xeebta Caluula ee Puntland, waxaana markabkaasi qabsaday koox sheegtay in ay doonayaan madax furasho,balse markii dambe waxa uu soo galay markabka gacanta Ciidamada Maamulka Puntland, iyadoo Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland C/Xakiin Cumar Cameey oo goob joog ka ahaa halka lagu soo bandhigay Marakabkaasi, wuxuuna ku ammaanay Ciidamada Badda Puntlnad gacantii ay ka geesteen sidii Markabkaasi loo sii deyn lahaa.

Waxaa xigay Doon wadday shixnad Ganacsi oo u rarneyd ganacsato Soomaaliyeed kuna soo wajahneed Dekadda Kismaayo ayaa kooxaha Burcad-badeedda Soomaalida ka soo Qafaasheen biyaha caalamiga ah ee ku aaddan Dalka Yeman, waxaana Doontaasi lagu magacaabaa Al-Kowsar, waxaa laga leeyahay Dalka India, waxaana la socda 11 shaqaale ah, iyagoo ka soo baxday Dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta, waxaana arrintaasi xaqiijiyay Guddoomiyaha Degmada Hobyo Cabdullaahi Axmed Fahad wuxuuna sheegay in Doontaasi ay hadda kooxihii afduubtay soo gaarsiiyeen xeebaha u dhexeeya Hobyo iyo Xarardheere, wuxuuna xusay in Maamulkiisu uu aad uga xunyahay falkaasi, isagoo intaasi ku daray in ujeedka kooxdaasi uu yahay in ay sumcad xumo u soo jiidaan deegaanka.

"Doonta hadda waxaa lasoo gaarsiiyay xeebaha ku teedsan Hobyo iyo Xarardheere, waa ficil aan wanaagsaneyn oo la doonayo in sumcadda deegaanka lagu dhaawaco, bulshada deegaanku wey is abaabuleen mana aqbali doonaan in burcad-badeed ay martigaliyaan” ayuu yiri Mudane Fahad, wuxuuna ugu baaqay kooxaha burcadbadeedda in ay si shuruud la’aan ah ku sii daayaan doonta.

Illaa iyo hadda Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay kooxaha burcadda ee af-duubatay doonta, hase yeeshee kooxahaasi ayaa caan ku ah in ay madax furasho ka qaataan doonyaha iyo maraakiibta ay qafaashaan, waayoo waxaa looga bartay in dhaqaale buuran laga helo, si ay barri u ahaan jirtay.

Dhinaca kale Dowladda India ayaa sharciyo adag ka soo saartay Kooxaha Afduubta Maraakiibta dalkeeda laga leeyahay, waxaana hadda dalkasi ku xiraan maxaabiis xukun xabsi daa’in ah ay ku ridday maxkamad ku taalla dalka India, kuwaasi oo ku eedeysan dambi ah in ay qatar galiyeen nolosha muwaadiniin u dhashay dalkaasi.

Haddaba waxaa isweydiin leh maxaa keenay in mar kale ay soo rogaal celiyaan Kooxahaasi Burcad-badeedda ah?

W.Q:- C/ lahi Ruush

Related Items


Leave a comment