Deegaaanka Xaarxaar oo dhawaan 200 guri laga dhiso doono

Saturday April 29, 2017 - 23:57:52
0 Comments
1757
Deegaanka xaarxaar ee u dhexeeya magaalooyinka Buurtinle iyo Jalam aya waxa shalayto ka dhacay kulan dhex maray odayaasha deegaankaas iyo shirkad ganacsi . Kulankaasi oo ku saabsanaa dhisida ku dhawaad 200 -250 oo guri oo loo dhisi doono si casri ah lagana dhisi doono deegaanka xaarxaar.  kulankaasi ayaa kusoo dhamaaday  jawi daggan iyo is af-garasho 

Dadka deegaanka qaybahooda kala duwan ayaa mashruucaan si wada jir ah u soo dhaweeyey. Shirkada ganacsiga ee deegaanka rabta inay ka fuliso mashruucaan aya ballan qaaday inay mashruucaan ka faa'iidaysan doonaan dadka deegaankaan guda iyo dibadba. SIido kale shirkada ganacsi ee mashruucaan fulinaysa ayaa sheegtey in guryaha markii ay dhamaadaan dhismahoodu laga iibi doono dadka kasoo jeeda deegaanka Xaarxaar .

Deegaanka ayaa ah deegaan qadiimi ah kuna caan ah dhaqashada iyo ka ganacsiga xoolaha nool cad iyo cadiiinba. Hadii uu hirgalo mashruucan wuxuu noqonayaa kii ugu waynaa ee Degaanka laga hirgalyo tan iyo markii la dagaameeyey.

A/kadir Xananjeex, Bosaso

Related Items


Leave a comment