Roobabkii Gu'ga oo ka da'ay deegaano ka tirsan Puntland

Sunday April 30, 2017 - 12:26:00
0 Comments
1056
Roobab lagu diirsaday aya ka da'ayey maalmahaan deegaano iyo gobolo ka mid ah dalka somalia. Ilaa khamiistii waxa robab lagu diirsaday ay ka da'een deegaano badan oo hoos yimaada gobolada Mudug, Bari, Nugaal iyo Karkaar oo dhamaantood ka tirsan Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. 
Sido kale roobabka gugu waxay da'een deegaano ka tirsan Maamulka somaliland.
 
Roobabkaan ayaa ah roobab si wayn loo sugayey kadib markay wadanka saamaysay abaar galaafsatay dad iyo duunyada oo socotay in ku dhaw 2 samadood. Insha Allah, Ilaahay ban waxan uga rajaynayna Gobolada iyo iyo Deeegaanada aanu wali ku di'in inuu siiyo iyagana u di'iyo,
AMIN.

Bosaso, Puntland, Somalia
by Abdulkaaadir Xananjeex

Related Items


Leave a comment