Black dolphin Prison, Waa xabsiga ugu adag dalka Ruushka

Sunday April 30, 2017 - 20:28:45
0 Comments
1943
Xabsiga lagu magacaabo Black Dolphin, Waa xabsiga ugu adag ee lagu xiro Maxaabiista gaysata Dilalka Dalka Russia. Waxaan qoraal kooban kaga sheekayn doonaa Xabsigaan Meesha uu kaga yaal Dalka Russia, Maxaabiista ku xiran iyo sida ay ugu dhex noolyihiin. Sidoo kale rajada ay ka qabaan in la siidaayo iyo danbiyadii ay galeen qaar ka mid ah Maxaabiistaas.

Xabsigani wuxuu ku yaal meel ku dhow xuduudka Wadanka Kazakhstan uu la wadaago Dalka Russia Ee gobolka Orenburg, Waa xabsiga ugu adag ee lagu xiro maxaabiista ugu khatarsan Dalkaas. Xabsigani waxaa ku xeeran dhul kaymo iyo baraf qariyay oo ka baaxad wayn Dalka Jarmalka. Goobta uu kuyaal xabsigani xiliga jiilaalka Heer qabowgu wuxuu gaaraa Minus 40 degree Centigrade. Xabsigani waxaa kaliya oo lagu soo xiraa Dadka gaysta Dilalka. Ka hor 1996, Wadanka Russia qofka wax dila, lama xirijirin ee waa la dili jiray. Wixii ka danbeeyay sanadaas waxaa sharci noqotay in la xiro Mudo dheer qofka gaysta Dil, Sidoo kalena uu la kulmo Ciqaab adag. 

Penal Colony No ; 56, Xeradaan waxaa ku xiran 260 gacan ku dhiigle, oo dilay ku dhawaad 800 oo qof , Qaarkood waxay dileen 7 qof oo caruuri ku jirto iyo Dumar. Qofkasta oo iyaga kamid ah oo waraysi lala yeeshaa , Mid walba qisadiisu waa mid ka gadisan kan kale. 
Maxaabiista ku xiran goobtaan, Waxaa cuno ahaan loo siiyaa Fuud ama maraq iyo Rooti, Wax kale ma cunaan. 24 saac Maalin iyo habeen, 23 oo ka mid ah, Midwalba waxaa lagu xiraa qol ka yar 5 mitre square. Qaarkood sida ay ugu dhex fakarayaan way ku dhexwaashaan Markay ogaadeen in lagu xukumay waqti aysan xamili karin 30 sano, 40 sano, Qaarkood xabsi daa'im.

Maalintii looma ogola in ay dhinaca dhulka dhigaan waa in ay taagnaadaan. Waxaa ku xiran qolalkaas yar kaamarad lagala socdo in ay fariisteen maadaama aan loo ogolayn in ay fariistaan iyo ay is dilaan. Waqti yar oo u dhigma hal saac ay banaanka loo soo saaraa, habeenkiina loo ogolaadaan in ay dhinaca dhulka dhigaan. Maxaabiistaan waxay la kulmaan ciqaab adag oo qaarkood ku kalifta in ay is dilaan. laakiin marka aad ogaatid dhibka ay gaysteen wax naxariis ah kuu qaban mayso...... 
Inta badan ragaan u xiran danbiyada dilalka, waxay dilalka gaysteen iyagoo cabsan. 

Mid kamid ah Maxaabiista oo la waydiiyay danbiga uu galay , ayaa uga sheekeeyay sida tan......

" Magacaygu waa Kiselev Maxim, Waxaan jiraa 31 sano. Waxaa dhacday habeen anoo Cabsan in aan is dagaalnay nin , Waxaan ula soo baxay Tooray, Waxaan kaga dhuftay rubada, dhiigii kasoo duulay wuxuu qariyay oo ku daatay gabi ahaan dharkayga sidaas ayay naftu kaga baxday. Waxaan ogaaday Markii aan dilka gaystay in ay goobjoog ahaayeen lix qof , Waxaan ku talagalay in aan lixdaba dilo , wayna iisuura gashay 7 qofba waan isi saaray. Waxay daroogadii iga baxday oo aan miyir saday markii aan arkay raso Mayd ah oo aan dul taaganahay. Dadkaas aan dilay waxaa kamid ahaa ilmo 10 sano jir ah iyo haweenay inta kale rag ayay ahaayeen Waayo dhamaantood waxay ahaayeen markhaati....... Waan u qalmaa in sidaan la ii ciqaabo.... Wax rajo ah kama qabo in aan xabsigaan ka baxo... Xabsigaan waxaa kali ah oo lagaga bixi karaa waa adoo Naxash lagaa saaro yacni dhinta...... Waa xabsi aad u adag ka bixidiisu..... 

Temirov Timur, Waa maxbuus kale, oo ka war bixinaya noloshiisa in tuusan imaan xabsigaan.....

" Waxaan jiray 16 Sano markii aan guursaday xaaskayga oo hada ii haysa wiil dhowr iyo laabtan sano jir ah... Mudo 5 sano ah hada iimaysan imaan, Waxaa loo ogol yahy sanadkii in ay hal mar isoo booqdaan waliba Meel muraayad noo dhaxayso aan iska aragno, laakiin aanan is taaban karin. Kaliya waxaa loo ogol yahay in ay ila joogaan 4 saac. Waxaan ku jiray Business intii aan la isoo xirin, waxaana ka tirsanaa Gangs, Habeen anoo jooga kalaab, ayaa waxaa i caayay nin ka mid ah saaxiibday waliba si public ah, Intaan usoo istaagay baan iri raali galin ka bixi caydaas, Wuxuu iila soo baxay tooray, isla markiiba ayaan xabad ku dhuftay. Dadka wax dila qofba si buu wax u dilaa, anigu inta badan qofka aan dilayo dhagta hoosteeda baan laba xabo kaga dhuftaan, mana sii noolaado..... waxaan kaloo dilay 4 qof oo kale laakiin dilkaasi waa mid kii ugu danbeeyay ee aan gaystay..... 

" Haka caajisin in aad wax akhridid, si garaadkaadu u koro...."

Related Items


Leave a comment