Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay W/ Socdaalka Ee Canada.

Saturday May 13, 2017 - 15:28:34
0 Comments
1055

Madaxweynaha J. F. Somalia Mudane Mohamed Abdullahi "Farmajo” ayaa magaalada London kula kulmay Wasiirka Socdaalka, Qaxootiga iyo jinsiyadaha dalka Kanada Ahmed Hussein oo ah muwaadin ka soo jeeda Soomaali, islamarkaana ka qeybgalay shirkii looga hadlayay arrimaha Soomaaliya ee lagu soo gebagebeeyey xarunta Lancaster house.

Madaxweynaha iyo wasiirka ayaa ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, dardar gelinta iyo kordhinta taageerada Dowladda Canada siiso Soomaaliya.

Madaxweyne Farmajo ayaa aad ugu amaanay wasiirka socdaalka Canada heerka uu ka gaaray siyaasadda Canada islamarkaana ay muujineyso dedaal dheeraad ah, waxa uuna uga mahadceliyey dowladda Canada taageerada joogtada ah oo ay la garab taagantahay shacbiga Soomaaliyeed.

Wasiirka socdaalka qaxootiga iyo jinsiyadaha Canada mudane Ahmed Hussein ayaa ballanqaaday inay dowladda Canada sii joogteyn doonto taageerada dhaqaale iyo mashaariicda horumarineed ee ay ku caawineyso shacabka Soomaaliyeed, isagoo farta ku fiiqay in xukuumadda Canada ay malaayiin doollar ku bixisay gurmadka abaaraha iyadoo laga jawaabayo baahida iyo dhibaatooyinka abaaraha iyo macluusha saameysay malaayiin qof oo ku sugan geeska Afrika si dadkaas u helaan cunno iyo biyo nadiif ah.

Xigasho : Wakaaladda SONNA

Related Items


Leave a comment