Trump oo dhaliilay baritaanka FBI-du ka hayso isaga Ruushka

Friday May 19, 2017 - 14:54:30
0 Comments
1049

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in go’aanka lagu magacaabay dacwad ooge madaxbannaan oo dusha kala socda baaritaanna ku aadan in Ruushku uu saamayn ku yeeshay doorashadii ay "si xun u dhibayso” dalka Maraykanka.

Isaga oo ka hadlaya shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Washington ayuu diiday in wax wadashaqayn ah ay dhexmartay ol’olihiisii doorashada ee sanadkii hore iyo Ruushka.

"Waxan oo dhan waa quraafaad mana jiri wax wadashaqayn ah” ayuu yiri

Nin horay u soo hogaamiyay hay’adda dambi baarista Maraykanka ee FBI ayaa loo doortay in uu hogaamiyo baaritaannada arrintan lagu hayo.

Magacaabidda Mueller waxaa soo dhaweeyay siyaasiyiin ka kala tirsan labada xisbi ee Jamhuuriga iyo Dimuqraaddiga.

Baaqyadii ahaa in la sameeyo dacwad ooge madax bannaan oo hogaamiya baaritaannada la wado ayaa cirka isku sii shareeray ka dib markii madaxwyene Trumo uu shaqada ka eryay agaasimihii FBI-da James Comey todobaadkii hore.

Khamiistiina Trump wuxuu diiday in uu isku dayay in uu saamayn ku yeesho baaritaanadii uu waday Comey.
Trump ayaa tilmaamay "in Comey uu ahaa nin shacbiyad yar”.

Trump ayaa Arbacadii sheegay in uusan taariikhda soo marin siyaasi loola dhaqmay si ka xun sida loola dhaqmay isaga ama caddaalad darrada loogu sameeyay.

BBC

Related Items


Leave a comment