Warbixin Ka Hadlaysa Xaalada Guud ee Isbitaalka Degmada Burtinle

Saturday June 10, 2017 - 17:02:37
0 Comments
1638
Wariyaheena Abdulkaadir Hananjeeh oo dhawaan booqday Isbitaalka guud ee Degmada Burtinle Ayaan warbixintaan kooban nooga soo diyaariyey:


Isbitaalka degmada Burtinle waxa la dhisay inti u dhaxaysay sanadihii 2008 ilaa 2009, wuxuna howlgalay sanadi 2010. Isbitaalku wuxu ku yaal dhinaca waqooyi ee magaalada gaar ahaan xafada Howlwadaag ama aaga Dugsiga sare ee Degmada.

Waxana lagu dhisey hab iska wax u qabsa ah oo dhamaan bulshada reer burtinle ay si wada jir ah uga wada qayb qaateen. Isbitaalku wuxuu kamid noqday isbitaalada hoostaga Wasaarada Caafimaadka ee Puntland sanadku markuu ahaa 2011.

Isbitaalkan o ah isbitaal ay kuso dhacaan bukaano uga imaanaya miyiga iyo tuulooyoonka degmada hoos yimaada ayaa sida sawirada idinkaga muuqata waxa ka muuqda dayac dhismeed oo aad iyo aad u baaxad wayn

Isbitaalku malaha wax gaadiidka gargaarka degdega .Horay wuxuu u lahaa hal gaari ee loo yaqaan Ambulance/Gargaarka Deg deg ah laakin nasiib xumo gaarigaas oo halaysan Ayaan wuxuu dhexyaala daarada Isbitaalka.

Waxaa farxad ah in shacab waynaha reer Burtinle ay isku tashteen isla markaasna ay guulaysten inay dhamaystiran o ay dhisaan hal qayb o dhismaha isbitaalka ah.

waraysi aan la yeelanay agaasimaha isbitaalka mudane Abdulaahi Jaamac Dhere ayuu ino xaqiijiyey inuu isbitaalku usan fulin wax qaliimo waawayn. Wuxuun intaas ku daray jiraan xanuuno ka dhashay roobabkii da'ay, bukaanka isbitaalka hada jiifana ay u badanyihiin xanuunadaas oo ay ka mid yihiin uguna badanyihiin Shuban biyood caruurta u badan iyo Malaria

Si kastaba ha ahaatee isbitaalkaan ayaa mudadii uu dhisnaa dadka reer buurtinle iyo kuwa ku dhaqan nawaaxiga Buurtinlaba ay aad ugu bogsadeen oo ay uga baaqsadeen xaaladihii caafimaad ee u aadi jireen isbitaalada ku yaal gobolada Fog fog ee Puntland

Gaba gabadii, isbitaalkaan ayaa xarun caafimaad u ah Degmada Buurtinle iyo nawaaxigeeda mana dhamaystirna xag dhisme iyo xag qalab. Wuxu u baahanyahay caawinaad iyo isku xilqaamid ay mar kale u sameeyaan Shacab waynaha reer buurtinle iyo dadka muxsiniinta ah. Gaar ahaan, wasaarada Caafimaadka ee Puntland waa inay il gaar ah ku fiirisaa Isbitaalkaan oo ay u dhamaystiraan wuxuu agab ah ee Isbitaalku u baahan yahay.

Sawirada:



Related Items


Leave a comment